War kasoo baxay waaxda difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in xogayaha wasaaraddaas ninka lagu magacaabo Lloyd Austin uu amar ku bixiyay, in maraakiib dagaal loo diro mandiqadda loogu yeero bariga dhexe.
Amarka kasoo baxay Austin ayaa dhigaya, in maraakiibta quusa islamarkaana sawaariikhda xambaara loo diro mandiqadda, kuwaas oo loogu talay iney xoojiyaan ciidamada Americanka ah ee halkaasi ku sugan.
Tallaabadaan uu qaaday Mareykanka ayaa timid, iyadoo ay xiisado ka taagan yihiin mandiqadda, islamarkaana laga cabsi qabo suuratagalnimada weerar ay fuliso xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan iyo xulafadeeda, kaas oo beegsan kara maamulka Yahuudda.
Pentgonka Mareykanka ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay, in xogayaha difaaaca ee Washington uu sidoo kale amar degdeg ah ku bixiyay, in markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln iyo kooxda la socota loo diro gobolka.
Xogyaha ayaa sidoo kale adkeeyay, in Mareykanku uu qaadayo tallaab waliba oo suuragal ah, si loo difaaco kayaanka Suhyuuniga ah, ayna sii xoojin doonaan awoodooda millatari ee ay ku leeyihiin Mandiqqadda.