Shabakadda CNN ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa baahisay warbixin ku aadan, in laanta FPI-da Maraykanka ay gacanta ku dhigtay nin kasoo jeeda mid kamid ah dalalka caalamka Islaamka, kaasoo qorsheynayay fulinta weerar beegsada masuuliyiin Ameerikaan ah.
Saraakiisha FPI-da Maraykanka, ayaa CNN u sheegay in ninka ay gacanta ku dhigeen uu kasoo jeedo dalka Pakistaan, uuna ku howlanaa fulinta weerar beegsada masuuliyiin Ameerikaan ah, oo uu kamid yahay Donald Trump, musharaxa jamhuuriga ah, horeyna usoo noqday madaxweynaha Maraykanka.
Sirdoonka Maraykanka ayaa aaminsan in dowladda Iiraan ay gadaal ka riixeysay abaabulka weerarka sida ay warka u dhigeen, laakiin waxaa eedan si adag u beeniyay dowladda shiicada ah ee Iiraan.
Safaaradda Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa arin siyaasadeed oo dano gaar ah laga leeyahay ku tilmaamtay, wararka tilmaamaya in dowladda Iiraan ay qorsheysay weerar ay ku beegsaneyso masuuliyiin Ameerikaan ah oo uu Trump kamid yahay.
Dhawaan ayay ahayd markii dalka Maraykanka uu ka dhacay weerar lagu qaaday goob uu hadal ka jeedinayay Trump, waxaana weerarkaas kasoo gaaray Trump dhaawac fudud.