Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa tilmaamaya in xabsi halkaas ku yaala ay ka baxsadeen rag ku xukumnaa dil toogasho ah.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug, ahna xillibaan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka, Sanyare, ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebooka wuxuu ku sheegay, in tiro kamid ah maxaabiista oo dil ku xukumnaa ay xabsiga ka baxsadeen.
Wuxuu arinkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado, loona baahanyahay in saraakiisha masuulka ka ahaa xabsiga lagula xisaabtamo, sida uu warka u dhigay.
Illaa 4 ruux ayaa la sheegay iney ka baxsadeen xabisga, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay aadeen, waxaana ciidamada maamulka magaalada Gaalkacayo dhanka Puntland ay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan ragga ka baxsaday xabsiga.
Maamul goboleedyada ka jira dalka, ee ku daaban Shisheeyaha, ayaa si gardaro ah xabsiga u dhiga dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasoo dhabarka loo saaro eedo ay beri ka yihiin, oo ay kamid tahay iney fuliyaan dilal toogasho ah ayna katirsan yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.