Go’aan maxkamadeed oo kasoo baxay xukuumadda Paris, ayaa xabsiga looga sii daayay aas-aasihii shirkadda Telegram oo afartii maalin ee lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Paris.
Garsooraha maxkamadda magaalada Paris, ayaa Baafil Daroof, wuxuu u jeediyay eedeymo ay kamid tahay falal dembiyeedyo ka dhan ah qaanuuna Faransiiska iyo inuu diiday inuu xogo la wadaago laamaha amniga.
Go’aanka maxkamadda ayaa dhigaya in xabsiga laga sii daayo Daroof, laakiin aanu ka bixi karin wadanka, intaasina ay sii socon doonto maxkamadeyntiisa, sidoo kalena laga rabo inuu dhiibo damaanad maaliyadeed oo dhan 5 malyan oo lacagta Yurowga ah.
Dowladaha Ruushka iyo Imaaraatka Carabta oo uu dhalashooda heysto ayaa iyaguna maalmihii lasoo dhaafay sheegayay iney ka walaacsanyihiin xaaladda muwaadinkooda lagu hayo dalka Faransiiska.
Arbacadii lasoo dhaafay ayaa aas-aasaha shirkadda Telegram, waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, maalmihii lasoo dhaafey ayaana su’aalo la weydiinayay.