HomeAll newsMucaaradka Itoobiya Oo Diiday Wadahadal ay La Galaan Xukuumadda.

Mucaaradka Itoobiya Oo Diiday Wadahadal ay La Galaan Xukuumadda.

Jabhadaha mucaaradka ku ah Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku gacan sayray wadahadal ay lagalaan Abiy Axmed.

Jabhadaha OLA iyo FANO oo kasoo kala jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa iyadoo mideysan waxa ay soo saareen hadal ku aaddan dagaalka ay kula jiraan xukuumadda Adis Aababa.

Waxa ay sheegeen inuu waxba kama jiraan yahay hadal kasoo baxay dowladda Xabashida Itoobiya, kaas oo ku aaddanaa iney wadahadallo la yeelaneyso kooxaha mucaaradka ah.

Mid kamid ah saraakiisha kooxda FANO ayaa Abey Axmed ku Tilmaamay inuu yahay nin iska qarway, ayna la yaaban yihiin cidda uu wadahadalka la galayo.

Jabhadda Oromada ee OLA ayaa iyadana sheegtay in aysan waxba ka jirin wahadalka ay xukuumaddu sheegtay iney la galeyso kooxaha mucaaradka, iyadoo taa badalkeeda dirtay goodis ah in ay sare usii qaadayso weerarada ka dhanka ah ciidamada Xabashida Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular