HomeAll newsMusharax Ameerikaan ah oo Ku Dhawaaqay Inuu Isaga Haray Tartanka Doorashada.

Musharax Ameerikaan ah oo Ku Dhawaaqay Inuu Isaga Haray Tartanka Doorashada.

 

Musharaxa Ameerikaanka ah ee madaxa banaan, laguna magacaabo Robert Kenedy ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haro tartanka doorashada madaxtnimada Maraykanka ee nagu soo food leh.

Shir jaraa’id oo uu maalintii shalay oo Jimco ahayd qabtay, ayuu Robert Kendy ku sheegay inuu go’aan ku gaaray inuu ka haro doorashada, kadib markii aragti uruurin la sameeyay ay muujisay in tartankisa uu wax u dhibayo Donald Trump oo kasocda xisbiga Jamhuuriga.

Wuxuu sheegay inuu taageerayo ololaha Trump uu ku doonayo inuu ku helo kursiga Aqalka cad, isagoo dhanka kale weerar afka ah ku qaaday xisbiga Dimuqraadiga iyo musharaxa ka socda.

Wuxuu ku tilmaamay xisbiga Dimuqraadiga inuu yaahy xisbi ka taajira dagaallada, musuqa iyo laaluusha shirkadaha daawada ka shaqeeya, dhawaanna uu go’aan ku qaatay inuu isaga baxo xisbigan, isagoo madax banaanna uu doorashada ka qeybgalo.

Sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arimaha Maraykanka, ka haritaanka Robert Kendy ee doorashada Maraykanka, waxcba kuma soo kordhin doonto codadka uu helayo Donald Trump, maadaama horaanba aanu Kendy taageero badan heysanin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular