Xaalad cabsi ah ayaa soo wajahday jaaliyadda muslimiinta ee dalka Ingiriiska, kadib markii wadanka uu ka billowday banaanbaxyo iyo rabshado dhiig ku daatay oo ay wadaan kooxda midigta fog ee xagjirka ah.
Waxaa jirta cabsi la xiriirta in kooxahan xagjirka ah ay weeraro ku qaadaan xarumaha ay muslimiintu leeyihiin, sida masaajidda iyo goobaha waxbarashada, qaarkood ayaana ku hanjabay iney beegsan doonaan muslimiinta.
Wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay iney diraaseyneyso suurtogalnimada iney dhacana weeraro lagu beegsado muslimiinta Ingiriiska, ayna arinkaasi ka hortageyso.
Laakiin muslimiinta Ingiriiska ayaa aaminsan, in xukuumaddu ay qeyb ka tahay dhibaatada lagu hayo muslimiinta dalka, si dadbanna ay ay saraakiisheeda amniga qaabilsan u fududeyn karaan weeraro lagu beegsado muslimiinta, sidaba horay u dhacday.
Dhawaan ayay ahayd, markii wuqooyiga dalka Ingiriiska uu ka dhacay weerar toorrey loo adeegsaday oo lagu dilay ugu yaraan 4 gabdhood, waxaana dilkaas kadib kadib dalka Ingiriiska ka dhacay iska hor imaadyo dhexmaray booliiska iyo dad careysan.