Madaxweynaha maamulka la baxay Soomaliland Muuse Biixi ayaa ka hadlay, ciidamada la sheegay in dowladda Masar ay usoo direyso Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan fulinta masaalixda ay xukuumadda Al-Qaahira ka leedahay dalkaan.
Isagoo ka hadlayay goob madal ah ayuu sheegay, in ciidanka ay Masar soo galineyso Soomaaliya looga baahan yahay iney udirto Rafax, ayna Muslimiinta Filastiin ka difaacaan Yahuudda.
Waxa uu tilmaamay in taariikhda ay dowladda Masar ciidan ka socda dalkeeda ay udirtay waddanka Yeman, kuwaas oo ahaa ciidankii ugu horreeyay uguna dambeeyay ee ay udiraan dalka dibaddiisa.
Dhowr iyo toban sano oo ay halkaasi joogeen ayuu xusay, in dhibaatadii ay ka geysteen Yeman ay illaa iyo maanta ka taagan tahay dalkaas.
Masar iyo dowladda Xabashida Itoobiya oo heshiis la gashay maamulka la baxay Somaliland, kaas oo lagu siiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiisado colaadeed, iyadoo la sheegayo in Itoobiya ay dooneyso in Masar ay kula dagaallanto Soomaaliya haddii ay ciidamo usoo dirto dalkaan.
Halkan ka dhagayso warka Muuse Biixi.