HomeAll newsMuwaadiniinta Reer Galbeedka Oo Isaga Baxaya Dalka lubnaan.

Muwaadiniinta Reer Galbeedka Oo Isaga Baxaya Dalka lubnaan.

Wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska oo u digay muwaadiniintiisa ku sugan Lubnaan.

Iyadoo xiisadda ka taagan gobolka loogu yeero mandiqadda dhexe ay tahay mid cakiran, jawiguna yahay mid dagaal, ayaa dalka Lubnaan wuxuu kamid yahay meelaha ugu badan ee ay saameyneyso xaaladda jirta, sababo ku aadan iyadoo dalkan ku xooganyihiin kooxaha Shiicada.

Maadaama la hadal hayo in dowladda Iiraan ay qaado tallaabo jawaab ah oo la xiriirta dilkii Ismaaciil Haniyah loogu geystay Tehraan, ayaa waxaa muwaadiniinta reer galbeedka billlaabeen iney isaga baxaan wadanka Lubnaan.

Safaaradaha dowladaha reer galbeedka iyo xitaa kuwa carabta qaarkood, ayaa muwaadiniintooda ugu baaqay iney kasoo baxaan wadanka Lubnaan, kahor inta aanu dhicin dagaal weji kasta yeelan kara oo dhexmara Yahuudda iyo Iiraan.

Dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa kale ayaa muwaadiniintooda ku amray iney kasoo baxaan wadanka Lubaan sida ugu dhaqsiyaha badan, taasoo qeyb ka ah ilaalinta amnigooda, sida lagu sheegay bayaanaatka ay soo saareen safaaradaha Washington iyo London ee magaalada Bayruut.

Maalinta berito oo Isniin ku beegan ayaa la hadal hayaa iney suurogal tahay, in Iiraan ay weeraro ka fuliso deegaannada ay Yahuuddu xooga ku heystaan ee dhulka Filastiin, mana cada nooca ay noqon karaan weeraradaas.

Laakiin warbaahinta caalamka oo qaarkood helaya xogo sirdoon, ayaa tilmaamay iney suurogal tahay in Iiraan beegsato khadadka Isgaarsiinta ee maamulka Yahuudda iyo sidoo kale shirkadaha bixiya adeegyada korontada, taasoo ka dhigan inuu sii ballaaran karo siraaca ka socda mandiqadda loogu yeero bariga dhexe.

Dalka Lubnaan oo deris la ah Filastiin, ayaa waxaa ku xoogan ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, kaasoo ku daaban kana amar qaata dowladda Iiraan, waxaana haddii Iiraan iyo Yahuuddu dagaal dhexmaro ay ka dhigantahay in ururkan uu dagaalkaasi qeyb ka yahay.

Khubarada ka faallooda arimaha caalamka Islaamka, siyaasaadka Iiraan iyo Yahuudana wax ka yaqaana, ayaa baciidsanaya in dowladda Iiraan ka qaado Yahuudda tallaabo keeni karta dagaal furan, waxa ugu badan ee Tehraan sameyn kartana ay tahay dhoolatus iyo waxbaan qabannay wax u eg oo keliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular