Waxaa magaalada Galhareeri ee wilaayada Galgaduud, ku geeriyooday nabadoon Cabdi Kariim Muuse Casir, oo kamid ah odayaasha dhaqanka Wilaayaadka Islaamiga ah.
Alle ha u naxriiste Nabadoonka, ayaa waxaa si lama filaan ah ugu soo booday xanuun, taasoo keentay inuu geeriyoodo, waxaana lagu aasay qubuuraha Galhareeri.
Wuxuu caan ku ahaa dhex-dhexaadinta bulshada iyo qabaa’ilka Soomaalida, isagoo sidoo kale af iyo addinba kula dagaallamayay ciidamada Shisheeye ee kusoo duuley Soomaaliya, laga soo billaabo duullaankii Xabashida ee 2006-da.
Hadda oo uu Galhareeri ku sugnaa, wuxuu imaam ka ahaa mid kamid ah masaajidda ku yaala Galhareeri.
Xubno isuga jira waxgarad, masuuliyiin iyo qaraabada nabadoon Cabdi Kariim Muuse ayaa ka qeybgalay janaazadiisa iyo duugtiisa, waxaana ay taczida la wadaageen guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelka iyo qaraabada.
Halkan ka dhagayso mid kamid ah wiilasha uu dhalay Nabdoon Cabdi-Kariim.
Halkan ka dhagayso qaar kamid ah waxgaradka gobolka Galgaduud.