Waxaa magaaladda Omaha ee gobolka Nebraska ee dalka Mareykanka toogasho lagu dilay Allaha u naxariistee Mursal Jaamac oo 64-jir ahaa, kana mid ahaa Soomaalida mudada dheer deganaa dalkaasi Mareykanka.
Mursal Jaamac oo ay qoyskiisu ku tilmaameen inuu ahaa Aabbe dhalay toban carruur ah, ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku dhufteen carruur iyo dhallinyaro lix qof ah oo ka dhacay gaarigii uu watay.
Maraykanka waxaa uu kamid yahay dalalka Soomaalida sida gaarka ah loogu beegsado, inta badanna waxaa dilalka toogashada ah geysta Ameerikaan ah cadaan ah oo uu ku jiro Islaam naceyb.
Halkan ka dhagayso Tafaasiil ku saaban dilka ninka Soomaaliga.