HomeUncategorizedNusratul Islaam Wal Muslimiin oo Qafaashtey Muwaadiniin u dhashey Ruushka.

Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo Qafaashtey Muwaadiniin u dhashey Ruushka.

War kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa lagu sheegay in Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen labo muwaadin oo u dhashey dalka Ruushka, kuwaasoo ku sugnaa wadanka Niger.

Muuqaal ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqa oo ku hadasha afka Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa waxaa kasoo muuqanayo labo nin oo Ruushiyaan ah, kuwaasoo tilmaamay iney ka shaqeynayeen shirkad Ruushku leeyahay oo ka howlgasha wadanka Niger.

Raggan oo ku hadlaya luuqadda Englishka, lahjadoodana laga dareemayo iney kasoo jeedaan dalka Ruushka, ayaa sheegay in laga soo qabtay mandiqad lagu magacaabo Mabanja oo 60km galbeedka kaga beegan magaalada Niyaami ee caasimadda wadanka Niger.

Midkood oo magaciisa ku sheegay Yuuri ayaa tilmaamay inuu ka shaqeynayay majaalka Jiyoolaji oo ah cilmiga dhulka, halka midka kalena lagu magacaabo Jariij, bil kahorna yimid dalka Niger, si uu ula shaqeeyo shirkad Ruushku leeyahay.

Ilo wareed katirsan milliteriga Niger, oo diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado, ayaa sheegay in labadan nin ee u dhashey dalka Ruushka la afduubtay todobaad kahor, xilli ay booqasho ku joogeen goob dahabka laga qodo.

Afduubka labadan nin ee Ruushka ah ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Fagnar ee ku sugan Maali la kulmeen, weerarkii ugu cuslaa ee ku qabsada Afrika, kaasoo looga dilay inkabadan 50 askari oo ay saraakiil ku jiraan.

Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa kamiin isku duba ridan u dhigay kolonyo ciidamo Fagnar ah oo ay la socdeen askar aan badneyn oo katirsan milliteriga Maali, waxaana Nusratul Islaam muuqaallo ay Internetka soo dhigtay lagu arkayaa iyagoo kabaha la dul maraya meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Fagnar.

Dowladda Ruushka ayaa galaangal ballaaran ku leh qaaradda Afrika, waxaana ay isku dayeysaa iney buuxiso firaaqa dowladaha reer galbeedka oo ay kala furteen saraakiisha milliteriga ee la wareegay talo qaar kamid ah wadamada dhaca galbeedka Afrika.

Ruushka ayaa leh dano dhaqaale, marka laga yimaado duullaanka diineed ee ka dhanka ah muslimiinta, waxaana hadda wadamada Maali, Niger iyo Burkina Faso ku sugan shirkado taabacsan xukuumadda Moskow, kuwaasoo durba billaabay qodista iyo soo saarista macaadinta kala duwan iyo sidoo kale dahabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular