Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso ayaa ku waramaya in ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin, ay qaadeen mid kamid ah weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa, kaasoo ay la kulmaan malleeshiyaad maxalli ah oo ka amar qaata milliteriga dalka.
Weerar ka dhacay magaalo lagu magacaabo Bagsalaago oo katirsan gobolka Kaya, ayaa dhaliyay khasaare baaxad leh oo gaaray malleeshiyaadka la weeraray.
Ciidamada ayaa weerarka la kulmay xilli ay difaacyo qodasho ku jireen, waxaana Nusratul Islaam wal Muslimiin xaqiijisay in ugu yaraan 300 oo askari ay meyadadkooda wareen goobta lagu dagaallamay.
Maalmo kahor ayay ahayd markii weerar midkan lamid ah ay Nusratul Islaam wal Muslimiin ka fulisay dalka Burkina Faso, kaasoo ay ku dishey ugu yaraan 200 oo askari oo isuga jira milliteriga iyo malleeshiyaad maxalli ah oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta.