Iyadoo waayadii u dambeysay ay isasoo tarayeen dagaal beeleedyada ka dhacaya qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya, oo ay gadaal ka hurinayaan hay’adaha shisheeye iyo masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, ayaa war kasoo baxay Qaramada Midoobay waxaa looga hadlay khasaaraha ka dhashey dagaalladaas.
Bayaan kasoo baxay Xafiiska isku duwaha arimaha banii Aadamnimada ee taabacsan Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ay ku dhinteen tobanaan qof, kuwaasoo lagu dilay dagaal beeleedyo ka dhacay qeybo kamid ah wadanka.
Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay, waxaa lagu sheegay iney diiwaan geliyeen dhimashada 39 ruux oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ku dhintay colaadda habka qabiil u abaabulan ee ka dhaceysa qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya.
35 kamid ah dadkan la dilayay, ayay Qaramada Midoobay sheegtay iney ku dhinteen gobolka Mudug, halka 4 kamid ahna lagu dilay dagaal beeleedyo ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Marka laga yimaado dadka ku dhintay colaad beeleedyadan, waxaa warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay in dagaalladan ku barakaceen tobanaan kun oo qoys, kuwaasoo wajahaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah, sida warka lagu sheegay.
Ugu yaraan 42 kun oo ruux oo u badan haween, caruur iyo dad da’ ah ayaa ku barakacay colaadahan, kuwaasoo 12 kun oo kamid ah ay ka barakaceen degmada Luuq ee gobolka Gedo, halka 26 kun oo qof ay ku barakaceen dagaal beeleedyada ka dhacaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Marka laga yimaado dadka ku barakacay iyo kuwa dhintey colaadahan, waxaa warka Qaramada Midoobay lagu sheegay in 96 kun oo ruux ay saameyn ku yeesheen dagaal beeleedyadan.
Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’adaha shisheeye ee dalka ku sugan, ayaa si toos ah iyo si dadbanba u huriya dgaalka qabiilka, iyagoo hub isugu dhiiba dadka walaalaha ah, waxaana dhawaan hubkii lagu furtay Caabud-waaq la sheegay in danta laga lahaa ay ahayd in la isugu dhiibo qabaa’ilka walaalaha ee dega gobollada Dhexe ee Soomaaliya.