Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro qaraxyo ah ka fuliyeen gudaha degmadaas.
Qaraxyada oo ahaa 2 qarax ayaa waxaa lala beegsaday askar katirsan dowladda fedaraalka oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmada.
Ugu yaraan 3 askari oo katirsan dowladda fedaraalka ayaa lagu dilay, 4 kalena waa lagu dhaawacay, qaraxyada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Jalaqsi.
Saddaxda askari ee lagu dilay qaraxyada ayaa lagu kala magaacaabaa:
1-Salaad Axmed Weeraxow
2-Xusseen Khaliif
3-Quluudo.
Sidoo kale askarta qaraxyada ku dhaawacmay waxaa kamid ah, Cumar Xefow iyo Cabdiraxmaan Dhagafiiq.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay fuliyay, weeraro ka dhan ah askarta Shisheeye iyo kuwa dowladda fedaraalka oo ka dhacay gobalka Sh-hoose.
Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, fariisin ay askarta shisheeye gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Lambar 60 ee gobalka Sh-hoose, iyo saldhigayada askarta dowladda fedaraalka ee degmooyinka Awdheegle iyo Buundada Jannaale ee isla Sh-hoose.