Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa fuliyay weerar qarax ah oo lala beegsaday askarta Kenya.
Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay goob ay ku sugnaayeen askar katirsan dowladda Kenya oo ku taalla degaanka Ceel-raamo oo katirsan degmada Ceel-qaalow ee gobalka Mandheera oo kamid ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Ugu yaraan 6 askari oo Kenyan ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dhaawacay qaraxaan.