Waxaa caawa qaraxyo ka dheceen degmooyin katirsan gobolka Gedo, qaraxyadaas oo lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland.
Qaraxa ka dhacay degmada Garbahaarrey, ayaa lagu weeraray ciidamo ku sugnaa goob isku imaatin ah, waxaana ka dhashey inta la xaqiijiyay dhaawaca 2 askari.
Qarax midkaas lamid ah ayaa ka dhacay degmada Ceel-Waaq ee Gedo, waxaana lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa maamulka labaxay Jubbaland. 1 askari ayaa ku dhintay, halka kalena ku dhaawacmeen.
Waxaa labadan qarax masuuliyadooda sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida ay baahisay Idaacadda Al-Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab.