Isagoo khudbad ka jeedinayay xaflad ay isugu yimaadeen taageerayaashiisa, ayuu Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah madaxweynaha maamulka la baxay Galmudug hanjabaad udiray, Musharrixiinta kula tartameysa xilka madaxtinimada ee maamulkaas.
Wuxuu weerar culus ku qaaday xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda islamarkaana doonaya iney ka qeyb galaan, doorashada soo socota ee la filayo iney dhawaan ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.