Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho sheekooyinka murugada iyo faca xambaarsan waxay ka noqdeen kuwa maalinle ah, ciidamada hubeysan ee qamaamaya, maandooriyahana dillooday, ayaana gumaad joogta ah ku haya dadka shacabka ah.
Kiiskii ugu dambeeyay ee xanuunkiisa wata, wuxuu ahaa mid dhacay saacado kahor, kaasoo askari katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ku dilay qof shacab ah, isagoo u dilay saddex kun shilin Soomaali oo uu doonayay inuu ka dhaco.
Ehellada ninka la dilay ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo dalbaday in cadaalad ay u helaan wiilkooda la dilay, caawana waxay ku hooyanayaan murug.