War kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa waxaa si rasmi ah loogu sheegay, in dalkeeda ay mamnuuc ka tahay iney soo galaan kudhawaad 100 ruux oo Ameerikaan ah, oo ay ku jiran wariyaal ka howlgala warbaahin caalami ah.
Wasaaradda arimaah dibadda ee Ruushka, ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in dalkeeda ka mamnuucday ugu yaraan 92 muwaadin oo Ameerikaan ah, oo ay kamid yihiin ganacsato, wariyaal iyo ciidamo Ameerikaan ah.
Dadka Ameerikaanka ah ee uu Ruushku ka mamnuucay in dalkiisa soo galaan, ayuu ku eedeeyay iney faafiyaan warar been abuur ah oo ka dhan ah dagaalka ciidamada Ruushka kaga jiro dalka Ukraine, sida warka loo dhigay.
Wariyaasha ku jira liiska xanibaadda ee Moskow soo saartay, waaa kamid ah kuwa ka howlgala wargeysiyo iyo website-yo Ameerikaan ah oo af dheer, waxaana kamid ah Newyork Times, Washington Post, World Street Journal iyo kuwa kale.
Horay waxay dowladda Ruushka usoo saartay liisas ay ku jiraan muwaadiniin reer galbees ah, kuwaasoo ay u diiday iney dalkeeda soo galaan, waxaana xiisadda ka dhex taagan Ruushka iyo reer galbeedka ay sii adkaatay wixii ka dambeeyey Febraayo 2022-ka, xilligaas oo ciidamada Ruushku duullaan milliteri ku galeen dalka Ukraine.