Korneyl Koofi ahaa agaasimihii hore ee hey’adda Socdaalka ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in handadaad iyo dhibaatooyin kala duwan ay safaaradda ay ku leeyihiin Kenya ku heyso shaqaalaha dowladda fedaraalka.
Waxa uu tilmaamay in siyaasiyiin iyo shaqaale kale loo geystay xarig, qaar loo hanjabay iyo kuwa kale oo farrimo caga jugleyn ah loo diray.
Waxa uu tibaaxay in ganacsato iyo siyaasiyiin ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmayaan safaaradda Dowladda Fedaraalka ku leedahay magaalada Nairobi.
Dadka la dhibaateeyay ayuu xusay iney kamid yihiin xildhibaanno katirsan baarlamaanka, kuwaas oo goob-joog ahaa madal uu hadalkaan ka jeedinayay.
Halkan ka dhagayso Warka Koofi.