HomeAll newsSaldhiga Ciidamada Maraykanka ee Suuriya oo La Weeraray.

Saldhiga Ciidamada Maraykanka ee Suuriya oo La Weeraray.

Wararka naga soo gaaraya dalka Suuriya ayaa tilmaamaya, in weerar loo adeegsaday diyaarad drones ah lagu qaaday, saldhig ciidamada Maraykanku ku leeyihiin wadankaas.

Saraakiil Ameerikaan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa xaqiijiyay in saldhiga ciidamada Maraykanka ee Kharaab Al-jiir oo ku yaala mandiqadda Ar-Rumeylaan ee wuqooyi bari Suuriya, lagu soo qaaday weerar diyaarad drone ah loo adeegsaday.

Sawirro iyo muuqaallo Internetka lasoo dhigay ayaa muujinaya, dab iyo holac ka kacaya saldhiga ciidamada Maryakanku deganyihiin, illaa iyo hadana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey.

Masuuliyiinta Ameerikaanka ee warbaahinta la hadlay, oo diiday magacyadooda, ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan qiimeyn la xiriirta saameynta ka dhalatay duqeynta.

Kooxaha shiicada ah ee ka howlgala wadamada Suuriya iyo Ciraaq, ayaa fuliya weeraro drones loo adeegsado, kuwaasoo beegsada saldhigyada ciidamada Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular