HomeAll newsSaraakiil Katirsan Koongada Dimuqraadiga Oo U baxsaday Uganda.

Saraakiil Katirsan Koongada Dimuqraadiga Oo U baxsaday Uganda.

Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday, in dalkooda ay soo galeen dhamaadka todobaadkii hore kudhawaad 100 sarkaal oo katirsan ciidamada booliiska Koonda Dimuqraadiga.

Wuxuu sheegay in saraakiishan ay kasoo baxsadeen dagaalka ka holcaya DRC ee u dhexeeya kooxda fallaagada ee M-23 iyo ciidanka milliteriga ee dalkaas, ayna kasoo tallaabeen marin xuduudeedka Ishasha ee la isaga kala gudbo wadamada Uganda iyo DRC.

Saraakiisha ka socda dalka Koongada Dimuqraadiga ee soo galay Uganda, ayaa waxay wateen 43 qori, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada UPDF ee Uganda waxaa lagu sameeyey hub ka dhigis.

Marka laga yimaado ciidamada iyo saraakiisha baxsadka ah ee soo gaaray Uganda, waxay xukuumadda Kampala tilmaamtay in maalmihii lasoo dhaafay ay dalkeeda soo galeen inkabadan 2000 oo ruux oo kasoo cararay colaadda Koongada Dimuqraadiga.

Kooxda M-23 ee dagaalka kula jirta milliteriga DRC ayaa wada dagaallo xoogan oo ay ku dooneyso iney dalka kula wareegto, waribixin dhawaan kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaana lagu sheegay in Uganda ay taageero siiso kooxdan, arinkaas oo ay si adag isaga fogeysay xukuumadda Kampala.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular