Wararka ka imaanaya dhulalka Muslimiinta ee ku hoos jira dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in weerar ka dhacay magaalo katirsan dhulkaasi lagu beegsaday sarkaal Kenyan ah.
Sarkaalkaan oo katirsanaa boliska dowladda Kenya ayaa lagu dilay, weerar ka dhacay halka loo yaqaanno aagga Sessi oo katirsan magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit, oo kamid ah dhulalka ay dowladda Kenya xoogga uga heysato Soomaalida.
Rag hubeysan ayaa rasaas huwiyay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar katirsan boliska Kenya, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan hal sarkaal iyo dhaawaca 2 xubnood oo kale.
Taliyaha boliska dowladda Kenya ugu magacaaban ismaamulka Marsabit oo xaqiijiyay weerarka iyo khasaaraha ka dhashay ayaa sheegay, in ragga weerarka fuliyay ay wateen mootooyin dheereeya, islamarkaana ay ku hubeysnaayeen bambaanooyin iyo qoryaha fudud.
Mid kamid ah dhaawacyada oo ahaa askari katirsan boliska Kenya ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday, isbitaalka magaalada Mooyaale oo kamid ah dhulalka ay gumeysato Kenya.