Iyadoo dhawaan magaalada Ankara uu ku qabsoomay shir u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, kaasoo kusoo dhamaaday fashil, ayaa waxaa bulshada Soomaaliyeed dareen caro leh ka muujinayaan in Itoobiya la baryo.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay shirkii fashilmey ee maalintii daraad kusoo dhamaaday dalka Turkiga, kaasoo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Itoobiya.
Dadka reer Muqdisho ayaa khalad ku tilmaamay in Itoobiya lala fadhiisto, sida ay hadda arintu ku socotana ay ugu dambeyn Itoobiya qaadan doonto badda Soomaaliya.