Xoogsatada ku shaqeysta farsamada gacanta ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya shaqo la’aan baahsan oo ay usabab yihiin sida ay sheegeen, ajaanib kala duwan oo wadanka lagu soo guray.
Waxay sheegeen in shaqaalaha Ajaanibta ah ay la wareegeen dhamaan shaqooyinkii ay qabanjireen, waxayna xuseen wadamada ay kasoo kala jeedaan.
Hadda iyaga oo shaqo la’aan ah ayey ku sugan yihiin Muqdisho, waxayna la hadleen warbaahinta, iyaga oo uga warramay dhaqaalo la’aanta heysa iyo sida ay fursadihii shaqo ula wareegeen Ajaanibta wadanka lasoo geliayay.