Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah islamarkaana usocday dalka Uganda ayaa shil ku galay degaan katirsan ismaamulka Nakura ee Kenya, ugu yaraan 3 ruux ayaa la xaqiijiyay iney shilkaanki ku dhinteen.
Dadka rakaabka ah ayaa doonayay iney dalka Uganda uga qeyb galaan munaasabad aas ah oo halkaasi ka dhigi laheyd, balse darawalka gaariga oo xakameyn waayay wadistiisa ayaa keentay inuu dhaco shilkaan khasaaraha dhaliyay.
63 Ruux ayaa saarnaa gaariga, kuwaaas oo qaarkood ay dhaawacyo soo gaareen xaaladooda caafimaadna lala tacaalayo.
Halkan ka dhagayso War Shil ka dhacay Ismaamul katirsan Kenya