Shilal geystay khasaarooyin kala duwan ayaa waxay ka kala dhaceen magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Shilka koowaad waxa uu si gaar ah kaga dhacay degaanka lagu magacaabo Karin oo ku yaallla duleedka magaalada Boosaaso.
Gaari ay la socdeen qoys ka koobnaa illaa 8 ruux ayaa shilkaan galay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku nafwaayay shilkaan gaari ee ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo caruur ahaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qoyska shilka galay ay ka yimaadeen dalka Ingariiska, shalay ayayna kasoo tageen deegaanka Xiddo iyagoo doonayay in ay dib ugu laabtaan dalka UK.
Dhawaan ayay aheyd markii tirakoob uu soo saaray maamulka la baxay Puntland lagu sheegay, in lixdii bilood ee lasoo dhaafaay shilal ka dhacay degaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi ay ku wanfwaayeen 45 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 188 kale.
Geesta kale shil gaari oo isana geystay khasaarooyin kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Daaru-Salaam ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.
Gawaarida isku dhacay ayaa aha kuwa xamuulka qaada, waxaana shilka ka dhashay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadkii saarnaa gawaaridaas, kuwaas oo ay ugu daran yihiin darawalladii ka xeynayay gaadiidka isku dhacay.
Muuqaallo iyo sawirro laga keenay goobta ayaa muujinaya, burbur xoog leh oo soo gaaray gaadiidka isku dhacay.