Waxaa markale fashil kusoo dhamaaday shirkii ka socday magaalada Ankara, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo tan Itoobiya, kaasoo lagu doonayay in Itoobiya lagu siiyo badda Soomaaliya.
Dowladda Turkiga oo dhex-dhexaadiye ka ah qorshaha lagu doonayo in Itoobiya lagu siiyo bad, ayaa iclaamisay in mar sadexaad la isugu yimaado kulan ka dhacaya Ankara, kaasoo aan waqtigiisa la iclaaminin.
Wasiirka arimaha dibadda Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa X, wuxuu ku sheegay in shirkii uu soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ah la gaarin.
Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeysatay ineysan ka laababaneynin is-afgaradkii ay horey ula gaartay maamulka Soomaaliland, waxay dooneysana tahay in la siiyo bad Soomaaliyeed oo horleh.
Dowladda Federaalka waxay dhankeeda soo jeedisay in Itoobiya ay marka hore ka laabato heshiiska maamulka Soomaaliland, iyaguna ay diyaar u yihiin iney siiyaan qeyb kamid ah badda Soomaaliyeed.