Waxaa degaanno katirsan maamulka la baxay Somaliland laga soo warinayaa in sicir-bararka ka jira degaannadaasi uu saameeyn xooggan ku reebay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Inta badan badeecadaha iyo agabyada kale ayaa waxaa ku yimid isbadal qiimi oo weyn oo dhib ku ah dadka danyarta ah, iyadoo uu xargaha xoostay sicir-bararka, xilli maamulka la baxay Somaliland lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban cabashada bulshada.
Qiimaha shidaalka ayaa hawada isku shareeray, maciishaddi ayaa qaali noqotay, halka dalagiii gudahana uu saameeyay sicir-bararka, taas oo ay sii dheertahay qiimaha biyaha oo kor ukacay iyo sarrifka lacaha oo jabiyay xeyndaabkii lagu ilaalin jiray.
Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa gaar ahaan qeybaha kala duwan ee ganacsatada ayaa ka warramay, dhibaatadaan xagga nolosha ah ee ka jirta degaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Somaliland.
Mudooyinkii lasoo dhaafayba waxaa degaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Somaliland ka taagnaa dhibooyinkaan xagga nolosha ah, balse waxa ay xaaladdu kasii dartay kadib markii ay azmadu noqotay mid faraha kasii baxday islamarkaana ay saameysay guud ahaan dadka.
Halkaan ka Dhageyso Sicir-bararka ka Jiray Goballada Woqooyi ee Xargaha Goostay