HomeAll newsSuudaan oo uu ka Dillaacay Cudurka Daacuun Calooleedka.

Suudaan oo uu ka Dillaacay Cudurka Daacuun Calooleedka.

Wasiirka caafimaadka ee maamulka milliteriga Suudaan, ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka dillaacay cudurka daacuun calooleedka, kaasoo soo ritay dad badan.

Heytham Ibraahim oo ah wasiirka caafimaadka ee xukuumadda milliteriga Suudaan, ayaa tilmaamay in cudurka daacuunka ee dillaacay uu sababteedu yahay isbedelka bii’ada iyo dadka oo cabaya biyo aan caafimaad ahaan wanaagsaneyn oo aan nadiif ahayn.

Baaritaanno la sameeyay, oo ay qeyb ka ahaayeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee Suudaan jooga, ayuu wasiirku sheegay in lagu ogaaday in cudurka daacuun calooleedka uu kusii fidayo dalka qeybihiisa kala duwan.

Gobollada Kaslaa iyo Al-Qadaarif ee dhaca bariga Suudaan, ayaa ah kuwa ugu badan ee uu daacuunka faraha ba’an ku hayo, sida lagu  sheegay warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee milliteriga Suudaan.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli roobab mahiigaan ah oo daadad isku bedelay ay ka da’ayaan qeybo kamid ah dalka Suudaan, kuwaasoo saameeyey dadka, kuna dhinteen dad badan.

Daadadka ku dhuftay dalka Suudaan, waxay sidoo kale dhaliyeen barakac xoogan oo ay reer Suudaan kaga qaxeen magaalooyinka iyo deegaannada ay daadadku soo gaareen.

Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay, ayaa tirakoob ay soo saartay waxay ku sheegtay in ugu yaraan 117 kun oo ruux ay ka barakaceen guryahooda.

Suudaan waxaa tan iyo bishii April 2023-da waxaa ka socda, dagaallo culus oo u dhexeeya milliteriga Suudaan iyo kooxda RSF ee gacan saarka la leh Imaaraatka Carabta iyo Ruushka, dagaallada ayaana saameeyay reer Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular