Hay’add Socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay xafiiskeeda Yemen, ayaa war uu soo saaray waxaa lagu sheegay in doon ay saarnaayeen tahriibiyaal Itoobiyaan ah ay ku degatay xeebaha dalka Yemen.
Doonta oo kasoo safrtay dalka Jabuuti, ayaa waxaa saarnaa ugu yaraan 25 ruux oo caruur iyo haween ay kamid yihiin, waxaana ay ku degatay xeebaha dalka Yemen, taasoo keentay in dadkii saarnaa ay noqdaan wax dhinta iyo wax weli aan raq iyo ruux lagu heynin.
Madaxa hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Yemen, Mat Habber, ayaa shaaca ka qaaday in la heley meydadka ugu yaraan 13 ruux oo tahriibiyaal ah, kuwaasoo ay doon kula degatay Talaadadii lasoo dhaafay xeebaha gobolka Taciz ee koonfurta Yemen.
Waxaa illaa iyo hadda la la’yahay 14 ruux, kuwaasoo loo badinayo iney dhinteen, dhamaan dadka saarnaa doonta degatay ayaa ahaa Itooibyaan, marka laga reebo 2 ruux oo Yamaniyiin ah oo ahaa naaqudiyaasha doonta.
Meydadka la heley waxaa kamid ah 2 haween Itoobiyaan ah, sida lagu sheegay warka kasoo baxay hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay xafiiskeeda dalka Yemen.
Itoobiya ayaa waxaa aad uga barakacaya dadka ku nool, maadaama dalka ay ka jirto colaad daba dheeraatay oo u dhexeysa qowmiyadaha is diidan ee dega wadankaas.