Wararka ka imaanaya dalka Brazil ayaa ku waramaya in diyaarad rakaab oo siday tobanaan ruux ay ku burburtay dalkaas, taasoo dhamaan dadkii saarnaa ay ku dhinteen.
Diyaaradan ayaa ku burburtay mandiqad lagu magacaabo Saw Boolo oo dhacda koonfur bari dalka Brazil, waxaana dadkii saarnaa oo idil ay ku dhinteen burbruka diyaaradda, sida ay xaqiijisay shirkaddii lahayd diyaaradda burburtay.
Shirkadda Foy-bas ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in diyaaradda ay saarnaayeen 58 ruux oo rakaab ah, iyo 4 kamid ah shaqaalaha diyaaradda, dhamaantoodana ay ku dhinteen burburka diyaaradda.
Illaa iyo hadda ma cadeynin shirkadda lahayd diyaaradda, waxa keeney burburkeeda, warbaahinta dalka Brazil ayaana soo bandhigay muuqaallo muujinaya shaqaalaha gurmadka deg-dega oo gaaray goobta ay diyaaradda kusoo dhacday.