HomeAll newsTobanaan Ruux oo ku Dhintay Weeraro ka Dhacay dalka Pakistaan.

Tobanaan Ruux oo ku Dhintay Weeraro ka Dhacay dalka Pakistaan.

 

Wararka ka imaanaya dalka Pakistaan ayaa ku waramaya in weerar ka dhacay koonfur galbeed dalkaas, uu sababay dhimashada dad badan iyo dhaawaca kuwa kale.

Warbaahinta gobolka Balooshistaan ayaa soo tabineysa, in kooxo hubeysan ay jidka u galeen gaari bas ah, ayna kala degeen dadkii saarnaa, halkaasna ugu geysteen toogasho wadareed.

Sida lagu helay wararka, waxaa weerarkan ku dhintay ugu yarana 23 ruux. Sidoo kale waxaa jiro weeraro kale oo labo ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka, kuwaasoo iyaguna geystay khasaare nafeed.

Booliiska gobolka ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in saddex weerar oo saacadihii lasoo dhaafay gobolka Balooshistaan ay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux, oo qaarkood ay yihiin ciidamada milliteriga iyo booliiska xukuumadda Islamabad.

Gobolka Balooshistaan ayaa waayadii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo u dhexeeyo qabaa’ila dega gobolka, waxaana colaaddan gadaal ka riixaya ciidanka milliteriga dalka.

Waxaa sidoo kale gobolka ka howlgala koox hubeysan oo lagu magacaabo kooxda xoreynta Balooshistaan, kuwaasoo u xusul duubaya in gobolku ka go’o dalka Pakistaan, islamarkaana noqdo maamul iskiisa u taagan.

Weeraradii ugu dambeeyay ee khasaaraha geystay, illaa iyo hadda lama hayo iney yihiin weeraro hab qabiil u abaabulan ama iney yihiin weeraro ay ku lug leedahay kooxda gooni u goosadka ah, ee ay xukuumadda Pakistaan ku eedeyso iney iska soo abaabulaan Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular