HomeAll newsTobannaan Kamid ah Muslimiinta Rohongiya oo Lagu Dilay Miyanmaar.

Tobannaan Kamid ah Muslimiinta Rohongiya oo Lagu Dilay Miyanmaar.

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee xukuumadda Miyanmaar ayaa waxa ay ka dhaceen mandiqad ku taalla xuduudda uu dalkaan la wadaago Bangaladesh.

Duqeymaha ayaa waxaa lagu beegsaday dadka Muslimiinta ah ee Rohongiya ee ka baxsanaya dhibaatada iyo xad gudubka ay kala kulmayaan xukuumadda Miyanmaar.

Dadka la beegsaday ayaa sugayay iney ka gudbaan marinnada dhaca xuduudda kala qeybisa Miyanmaar iyo Bangaladesh.

3 Kamid ah dadkii kasoo badbaaday duqeymaha ayaa saxaafadda usheegay, in wax ka badan 200 oo ruux lagu dilay duqeynta, halka goob jooge kale oo mandiqadda ku sugnaa uu sheegay, in uu indhihiisa ku arkay meydadka ugu yaraan 70 ruux.

Dadka ku dhintay duqeymaha waxaa ku jiray, haweeney xaamilo ah oo bilo dhameysatay, waana duqeyntii ugu khasaaraha badneyd ee usbuucyadii u dambeeyay ka dhacda gobalka Raakhiin ee horay loo oran jiray Arakaan ee ku yaalla dalka Miyanmaar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular