Turki waxay si cad u sheegeen in Itoobiya ay ixtiraameyso madaxbannaanida Soomaaliya tan oo micnaheedu yahay in ay ka baxayso is-afgaradkii ay ka saxiixatay Muuse Biixi, taa badalkeedana uu Xasan Sheekh u saxiixayo bad Soomaaliyeed.
Warkan waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas oo lagu magacaabo Hakan Fidan kaasoo ay dowladdiisu u xilsaaratay wadahadashiinta DF iyo Itoobiya. “Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.
Hakan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Istanbuul ayaa intaa ku daray in heshiiska cusub ee Itoobiya badda loogu saxiixayo uu dhawaan ka dhici doono magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa wareysi uu dhawaan siiyay Al-furqaan ku xaqiijiyay in Itoobiya ku hawlan tahay qorshaheeda ay ku dooneyso iney ku qabsato badda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa soo baxaya hadal wareysiga ku jiray oo ahaa in Xasan Sheekh uu wax ka ogaa heshiiskii Muuse iyo Abiy, ujeedada uu u qeylinayana aaney ahayn inuu diidan yahay bad Soomaaliyeed oo la qaadanayo, balse uu rabo inuu isagu saxiixo, kuna qaato dhaqaale ka badan kan Muuse loo oggol yahay.
Hadalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa u marqaati kacaya warka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ah in DF aysan waxba ka qabin in Itoobiya qaadato badda Soomaaliya balse ay dooneyso kaliya qandaraaska saxiixa iyo dhaqaalaha lagu helayo.
Hadalkan caddeynta ah ee Turkiga ayaa imaanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga uu maalmo kahor booqday magaalada Adisababa lana kulmay Abiy Axmad ra’iisulwasaaraha wadankaas. Sidoo kale waxaa dibadda usoo baxay warkii madaxweynaha DF ee ahaa in uusan diidanayn in Itoobiya bad hesho balse uu doonayo in ay soo marto dariiqa saxda ah oo uu ula jeedo iney isaga lasoo xariirto.