War saxaafadeed kasoo baxay waxa loogu yeero golaha Nabadda iyo Amniga ee taabacsan Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay iney dhawaan soo afjari doonaan howlgalka ATMIS, Soomaaliyana uu ka bilaabanayo howlgal cusub oo hoostagaya Midowga Afrika.
Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ku dhawaaqay islamarkaana bedelaya ATMIS, ayaa loogu magacdaray “ Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya” ee magaciisana loo soo gaabiyo AUSSOM, wuxuuna billaaban doonaa Jannuary 2025-ka.
Sida lagu sheegay war saxaafadeedkan kasoo baxay Midowga Afrika, waxaa howlgalkan ka qeyb geli doono dalal ay kamid yihiin Jabuuti iyo Masar, iyadoo uu goluhu sheegay iney soo dhaweynayaan dowladaha kale ee Afrika ee daneynaya iney qeyb ka noqdaan.
Si looga fogaado firaaq amnio o ay ka faa’ideysan karto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab, waxaa lagu dhiirgeliyay howlgalkii hore ee ATMIS iyo Dowladda Federaalka iney iskaashi amni oo xoog leh yeeshaan, qiimeynna lagu sameeyo wejiyadii hore ee bixitaanka ciidamada shisheeyaha ATMIS iyo waxa kasoo noqday.
Sida ka muuqata war saxaafadeedka kasoo baxay golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, waxaan weli cadeyn cida maalgelineysa howlgalka cusub ee ay Shisheeyuhu ka billaabayaan Soomaaliya.
Waxaa lagu sheegay iney ka codsanayaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhamaan dowladaha taageera duullaanka Soomaaliya iney cadeeyaan dariiqada rasmiga ah ee maalgelinta howlgalka cusub ee loogu magacdaray AUSSOM.
Dhinac kale, waxaa bayaanka kasoo baxay Midowga Afrika lagu sheegay iney aad uga walaacsanyihiin halista amni ee ka imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lagu cambaareeyay howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Dowladda Federaalka iyo askarta Shisheeyaha ee ka kala dhacay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgalka cusub ee uu ku dhawaaqay midowga Afrika, ayaanan bayaanka lagu cadeynin shaqooyinka rasmiga ah ee uu qaban doono, laakiin dadka falanqeeya xaaladda Soomaaliya waxay horey u sheegeen in howlgalka cusub ee bedelaya ATMIS ay shaqadiisa ugu weyn tahay ilaalinta amniga xarumaha muhiimka u ah Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Shisheeyaha ku daaban, badi ciidanka qeybta ka ah ayaana u howlgeli doona sida booliiska.
Si guud, war saxaafadeedka kasoo baxay waxa loogu yeero golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, waxaa ka muuqday inaanu qorshaha howlgalkan dhameystirneyn, caqabadaha ugu weyn ee heysta ayaana ah maalgelin la’aan, iyadoo dowladaha maalgeliya duullaanka Soomaaliya aaney xiiso iyo xamaasad badan u heynin in sanado horleh ay lacago bixiyaan.
2007-dii, ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa soo gaaray ciidamo ka socda qeybo kamid ah Afrika, Burundi iyo Uganda ayaana ahaa dalalkii ugu horeeyay ee ciidamada usoo dira Soomaaliya, marka laga yimaado ciidamada Xabashida.
17-ka sano ee ay ciidamadan Shisheeye ku suganyihiin Soomaaliya, waxay ku kaceen gaboodfallo xanuun badan oo aan marnaba ka go’i karin maanka bulshada Soomaaliyeed.
Xadgudubyada diiwaan gashan ee ay ku kaceen ciidamada Shisheeye, welina ku howlanyihiin, waxaa kamid ah dilal bareer ah oo loo geysto qeybaha kala duwan ee bulshada, kufsi ka dhan ah haweenka muslimaatka, iyagoo dhanka kale u xusul duubaya sidii aaney Soomaaliya uga hirgeli lahayn ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Tacadiyadii ugu dambeeyay ee ay ciidamada Shisheeye ka geysteen Soomaaliya, wuxuu ahaa fal gowrac bareer ah oo ay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ugu geysteen dhalinyaro beeralley ah, 11-kii Muxarram 1446 oo waafaqsan 17-kii July 2024-ka.