War saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab, ayaa lagu faafaafiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkii cagmarinta ahaa ee saaka Mujaahidiintu ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanka Ilbaq ee hoostaga degmada Balcad, Shabeellaha Dhexe.
Ugu yaraan 27 askari ayaa lagu dilay weerarka, iyadoo dhanka kale ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab soo furteen saanado hub ah oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka.