War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa lagu faafaahiyay khasaaraha ka dhashey weerar nafhurnimo oo aroornimadii hore ee maanta lagu beegsaday saldhiga Roob Da’ay, oo ay talis u ahaa ciidamada Sirdoonka Dowladda Federaalka.
War Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay, in weerarka lagu dilay 28 askari, halka lagu dhaawacay 51 askari, iyadoo ay sii dheertahay burbur lixaad leh oo gaaray gaadiidka dagaalka.
Ciidamo gurmad ahaan uga yimid magaalada Muqdisho, kuna soo jeeday xerada la weeraray, ayaa bayaanka lagu sheegay in qarax loogu diyaariyay nawaaxiga isbaarada Shabeelle, halkaasna waxaa markale ka dhashey waxyeello kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay shaaca ka qaaday in weerarkii maanta ee Nafhurnimada ahaa, loogu aargudayay shacabka ku nool Ceelasha-Biyaha, oo todobaadyadii lasoo dhaafay wajahayay gaboodfallo iyo tacadiyaad ay kala kulmayaan ciidamada Sirdoonka Dowladda Federaalka.
Inta ka badbaaday weerarka, ayaa bayaanka waxaa lagu sheegay iney sugeyso weeraro kale oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsan doonaan. ” Ashahaado la dirirka, waxaan u sheegeynaa lama moogana dembiyada ay ku kacayaan” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkan ka akhriso War saxaafadeedka.
Halkaan ka Dhageyso War-saxaafadeedka Camaliyadda ka Dhacday Duleedka Muqdisho