Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay Afhayeenka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) kaasoo soconaya muddo 40 daqiiqo ah, laguna weydiinayo su’aalo kala duwan oo taabanaya xaaladda wadanka, heshiiskii Itoobiya loogu saxiixay badda, dagaalada, dhibaatooyinka heysta bulshada Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo muhiim ah.
MOU-gii Itoobiya Loogu Saxiixay Adisababa
Ugu horreyn Sheekh Cali Dheere oo wax laga weydiiyay MOU-gi uu Muuse Biixi Itoobiya u saxiixay billowgii sannadkan si ay u hantiso qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Xabashi ay waligeedba ku taameysay sidey mar uun u qabsan lahayd xeebaha Soomaaliya, taas oo maantana u aragtay xilli ku munaasab ah u ah oo wadanka ay u joogaan maamullo iyada taabacsan.
Wuxuu xusay in madaxda Itoobiya ay iska soo dhaxlaayeen dardaaranno ku aadan qabsashada badda iyo beriga Soomaaliya, mas’uul walbana uu kan kale ku wareejinayay feelka istaraatiijiyada ka dhanka ah ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed. Si kasta oo ay madaxda Itoobiya dhexdooda xukunka ugu dagaalamaan ama isku khilaafaan, halka qadiyad ee ay ka mideysan yihiin muddo dheer ayuu ku asteeyay iney tahay qabsashada Soomaaliya, tusaalana wuxuu uga dhigay sida uu Mingisto ugu soo hambalyeeyay Milles markii ay ciidamadiisii qabsadeen Muqdisho 2007.
Afhayeenku wuxuu sheegay in xilligaas ay askarta Itoobiya tageen xeebta ka dambeysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, qoryahoodana afka u geliyeen biyaha, kadibna dhunkadeen iyagoo muujinaya iney qori caaradiisa ku qabsadeen badda iyo beriga Soomaaliya.
Halka uu Marayo Is-af-garadkii Itoobiya Loo Saxiixay.
Wuxuu daboolka ka qaaday in Itoobiya ay waddo dhaqan gelinta is-afgaradka ay ka saxiixatay Muuse Biixi “Nimanku kama tanaasulin hamigoodii, qorshahoodiina waa wataan tabartooda meeley dhigtaba, maalinkii loo saxiixay illaa maanta oo 7 bilood laga joogana wey wataan hawshooda, kamana daalayaan illaa in la iska celiyo mooyaane” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Wuxuu intaa ku daray in uusan Itoobiya u suuragaleynin damaceeda ah iney qabsato xeebaha Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin iney iska difaacaan si lamid ah sidii boqollaalkii sano ee lasoo dhaafay ay isaga yureynayeen. Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku eedeeyay inuu wax ka ogaa heshiiska, haddana isku dayayo inuu bulshada marin habaabiyo.
“Haddaan 7 bilood kahor sheegnay in arrinta uu ku lug lahaa Xasan Maxamuud, maanta ruux walba wey u muuqataa, isaga ayaana warbaahinta la taagan inuusan diidanayn in Itoobiya bad la siiyo, qadiyadduna waxa weeye Xasan, Muuse iyo Ismaaciil Cumar Geelle wey isla ogaayeen, laakin ballantoodu waxay ahayd in Xasan uu saxiixo badda, xogaa dhaqaale ah oo sandareerto ahna uu ka helo. Abiy markuu fiiriyay lacagta Xasan ka arabo iyo tan Muuse ku qancaayo waxaa u fududaatay tan Muuse ku qancaayo, waayo Xasan xoogaa wuu ka tubbo weyn yahay Muuse, Xasan markuu waayay kistii yareyd ayaa waxay dantu ku qasabtay inuu qeylqeyliyo” ayuu yiri Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xogtan wuxuu ku adkeeyay labo qodob oo kala ah, heshiis amni oo ay DF lasoo gashay Itoobiya wax yar kahor is-afgaradka uu Muuse Saxiixay iyo hubkii dhawaan ay Itoobiya usoo dirtay dhanka Soomaaliya ayna xuduud beenaadka kasoo galbiyeen ciidanka NISA. Sheekh Cali ayaa xusay in hubkaas la doonayay in ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada gobolada dhexe la isaga hor keeno, siyaasadda taa ka dambeysana ay tahay in dadka laga mashquuliyo qabsashada baddooda.
Natiijada Dagaalkii uu 2 Sano Kahor Ku Dhawaaqay Xasan.
Sheekh Cali Dheere ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay halka uu xilligan marayo dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo isbahaysiga kasoo hor jeeda ee DF iyo ciidamada Shisheeye. Wuxuu carrabka ku dhuftay in Xasan Sheekh iyo dowladdiisu ay ku jabeen dagaalka sadaxdiisii waji ee ay ku dhawaaqeen labo sano kahor, kana heleen dhankooda dagaalka faa’iido badan, halka dhanka kale ee kasoo horjeeda ay khasaare ka dhaxleen.
“Dagaalku wuxuu ku dambeeyay saraakiishii ay gaaladu soo carbisay ee ay rabtay iney ummaddan muddo dusha ka saarnaadaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa inuu dhulka ka wada hoos mariyay, waxaad ogtahay waxa saraakiil uga baxay dagaalkan labada sano socda, kasoo billow Farxaan Qaroole, Tuurre, Shataqey, Suul-nuug iyo, balaayo jinni jaanki aaway maanta? Dhulkey ka hoos mareen.” sidaasi waxaa yiri Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay natiijada dagaalka, wuxuuna intaasi ku daray in hub iyo gaadiid aan cadad lahayn ay ku furteen dagaalada mudada laba sannadood ah socday.
Intaa wuxuu ku daray in ay baaba’een guutooyinka ciidamadii DF loogu soo tababaray wadamo ay kamid yihiin Masar iyo Eratariya, maantana xaaladda DF ay mareyso fara isku taag iyo adaa ii lahaa, wuxuuna yiri: “Maanta iyagaa meel isku sheegi la’ murtaddiinta oo midba midka kale ku eedeynayaa inuu ciidankii baabi’iyay, ciidankiina la laayay, iyagaa qirsan, hubki lasoo siiyay oo gaaladu ugu deeqday Falillaahil-xamdu Mujaahidiinta isagaa hubeeyay oo hub aanaan heli lahayn iyo qalab ciidan oo aanaan heli lahayn ayaan helnay Falillaahil-xamdu, marka dhinac kasta laga fiiriyo dagaalka Mujaahidiinta ayaa guuleystay, Xasan Gurguurte-na wuu ku jabay.”
Natiijada Dagaalka Dhaqaalaha ee uu Xasan Sheekh Ku Dhawaaqay.
Sheekh Cali Dheere wuxuu dagaalka dhaqaalaha ee uu Xasan Sheekh ku dhawaaqay laba sano kahor ku qeexay in ujeedadiisu ahayd sidii loo boobi lahaa hantida ummadda Soomaaliyeed, haddana ay qof walba u muuqato natiijada. Wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu xaraash ugu dhaqaaqay hantidii guud ee ummadda, bad iyo beri wax ka badbaadayna aysan jirin haddey ahaan lahaayeen dhulka hoostiisa iyo dhulka korkiisa. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu u tallaabay dhaca guryihii ay dagganaayeen dadka shacabka ee masaakiinta ah kuwaasoo maalin walba lagu kor duminayo aqalladooda, si joogto ahna looga arkayo warbaahinta iyagoo ka cabanaya waxa lagula kacayo.
“Intaa markuu dhaafi waayay heer aakhiraadka xataa ma dhaafin, sidii xabaal fagatadii ayuu qubuurta uga dabategay kuwii tobannaan sano kahor dhintay markaasuu soo qufayaa, hadafkuna wuxuu yahay dhulkaan inuu dhaco kaliya.” ayuu yiri isagoo ka hadlaya hawlgallada saameynaya dhulalka danta guud iyo kuwa shacabku sida gaarka ah u leeyihiin ee ay DF ka wado magaalada Muqdisho.
“Waxaa kasii daran, hadda wuxuu usoo jeestay gabadha miskiinta ah ee caanaha gadeysa ee labada senti, sadaxda senti loo tuuraayo inuu dhaho sadaxaan senti iyo labadaan senti jawaankeyga qaar haleygu soo shubo, oo moobeylkaan waxa ku jira ayaa lacag laga rabaa, ninki miskiinka ahaa ee xamaaliga ahaa markuu islaanti u tago oo yiraahdo galaas caanaha ah iga gad, oo ay tiraahdo labo senti soo tuur, labadaa sentu ayuu rabaa inuu dhururuqyo kasii goosto, yacni baahida ninkaa ku dhaggan iyo fakhriga haaya ayay daliil u tahay” sidaasi waxaa yiri Sheekh Cali, wuxuuna shirkadaha uga digay ineysan qeyb ka noqon dhibaatadaas lala damacsan yahay bulshada Soomaaliyeed, Allaahna uga baqaan ammaanada ay u hayaan bulsahda, haddii aysan hantidooda u xafidi karinna ay isaga soo celiyaan.
Tallaabooyinka ay DF u qaadeysa hantida dadweynaha wuxuu Sheekh Cali Dheere ku sifeeyay iney ka marqaati kacayaan in Xasan Sheekh uu ku jabay dagaalka dhaqaalaha, halka dhankooda (XSHM) uu xusay iney ku guuleysteen sadaxda waji ee dagaalka, dhaqaale ahaanna ay ku iimaan sanyihiin inta uu Allaah siiyay, wuxuuna xaqiijiyay in dhankooda aysan jirin baahida iyo halaca uu ku eedeeyay DF iney qabto.
Farriimaha Ugu Dambeeya ee uu Wareysiga Kusoo Gudbiyay.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa gunaanadkii wareysiga diray farriimo ku socda dhinacyo kala duwan, marka koowaad wuxuu u mahad celiyay ciidamada XSHM ee hor isgaagay duullaanadii lagu soo qaaday Wilaayaadka Islaamiga ah kuwaasoo ku kala sugan laga soo billaabo Sanaag illaa Taana-Riifa oo ah Kenya, duco ayuu u mariyay, wuxuuna ku dhiirageliyay iney halganka halkooda kasii wadaan. Mahad taa lamid ah wuxuu u diray bulshada Soomaaliyeed ee dhankooda la duubatay, lana garab istaagtay af iyo addin meel walba oo ay joogaan dal iyo dibadba. Sidaa si lamid ah wuxuu bogaadin u diray qabaa’ilka isgarab taagay Xarakada ee hantidooda iyo wiilashooda ku bixiyay sidii looga hor tagi lahaa shisheeyaha iyo DF.
Intaasi kadib wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney fadhiga ka kacaan, una istaagaan difaaca baddooda iyo berigooda. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan leenahay waa la idiin soo biratumanayaa, cadaw baa idinku soo duulay, cadawgaasi ujeedka uu leeyahay waa inuu dadnimadiina tirtiro, inuu dalkiina qaato, inuu diintiina baabi’iyo, yacni jaanib kasta oo aad leedihiin. Xasan Gurguurte marka uu leeyahay sadaxda jaanibaan ka weerareynaa, waxa la weeraraayo macnuhu Al-Shabaab ma aha, laakin waa ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, waxa fakarka iyo caqiidada lagala dirirayo waa Muslimiinta Soomaaliyeed, waxa la leeyahay dhaqaalahaa lagala dirirayaa waad aragtaan waa dhaqaalihiina, dalkina waad aragtaan gacantaa laga bixinaa oo gaalaa la siinayaa dakadihii iyo airpor-radii waa kaa xabashiyaa la siinayaa, berrina Kenyaa la siinayaa, Turkigana waad aragtaanoo qeyb ayaa la siiyay.” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Haddii ay sidaa dhacdo wuxuu dadka Soomaaliyeed u sheegay iney noqon doonaan qaxooti iyo dad u dhibaateysan gumeystaha si lamid ah sida shacabka reer Falastiin, kuwaasoo dhulka barakacaysan qeybo kamid ah looga qaatay xeeladda iyo istaraatiijiyadda hadda lagu wado Soomaaliya oo kale.
“Gaaladu midabkey rabto ha lahaato waa isku gaalo uun, hal diin ayaa ka dhaxaysa, gaalada maanta Mareykan, Faransiis iyo Ingiriiska ee Yahuuda taageeraaya ee ummadda Muslimiinta ah ee shacabka ah baabi’inaaya iyo gaalka Xasan Gurguurte waan ku taageeraa ku leh ee hubka iyo qalabka airpor-rada uga soo dajinaaya waa isku gaalki uun, adna Muslim baa tahay kan Falastiiniga ah ee la dilayana waa Muslim, waxaa la rabaa uun meesha isaga la gaarsiiyay in lagu gaarsiiyo oo lagaa dhigo sacbooley aan waxba iska celin karin, maalintaana kawaanka sidi la rabo laguu saaro.’ ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Wuxuu ugu baaqay Soomaalida iney baraarugaan oo fadhiga ka kacaan, maanta tilmaamay in maanta oo kale aysan ahayn maalin uu qofka Muslimka ah gumeysi galo, balse ay tahay maalin uu Islaamku kor usoo kacayo, shisheeyuhuna calankoodu uu sii liicayo, loona baahan yahay in muslimiintu indhahooda kala furaan. Gunaanadkii wuxuu ka digay in ummadda Soomaaliyeed dhexdooda la kala qeybiyo oo la isku diro, lagana mashquuliyo iska dhicinta cadawgooda iyo difaaca wadankooda.
Halkan ka daawo Waraysiga oo dhameystiran- OK
Halkan ka daawo Waraysiga- Facebook.