HomeAll newsWarbixin Ahmiyad Intee La Eg ayuu Leeyahay Cilmiga Mustalaxul Xadiith-ka. .

Warbixin Ahmiyad Intee La Eg ayuu Leeyahay Cilmiga Mustalaxul Xadiith-ka. [Dhagayso].

Cilmiga Mustalaxa Xadiithka, waxaa lagu qeexaa inuu yahay: Cilmi lagu barto xaaladaha Sanadka iyo Matniga, si loo kala ogaado in Xadiithkan la qaadanayo iyo in la diidayo.

Faa’iidada uu leeyahay cilmigan ayaana ah mid weyn, oo qofka barta wuxuu kala garan doonaa Xadiithka saxan ee ka sugan Nabiga Salla-llaahu Caleyhi Wasallam iyo midka aan jirin ee lagu been abuurtay Suubanaha Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Xadiithka wuxuu ka koobanyahay labo qeybood oo kala ah: Matn iyo Sanad.

Sanadku, waa silsiladda iyo taxanaha ragga wariyay Xadiithka, illaa la gaarayo Matniga, waxaana laga faa’ideystaa in lagu barto xaalka Xadiithka iyo inuu yahay mid la qaadan karo oo sax ah iyo inuu yahay mid daciif oo laga tagayo.

Matnigana, waa halka uu ka dhamaado sanadka oo ah Xadiithka.

Tusaale marka uu Bukhaari Raximahullaah tirinayo magacyada mashaa’ikhdiisa illaa laga gaarayo Saxaabiga oranaya, waxaan xadiithkan ka maqlay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam waa sanadka, halka matnigana uu yahay hadalka uu ku dhawaaqay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Ragga sanadka ku jira waxaa laga baarayaa iney leeyihiin ceebo iyo dhaliilo keenaya in warkooda lagu kalsoonaan waayo, halka matnigana laga fiirinayo iney ku jiraan Shaad ama cillad.

Haddii aanu ka hadalno ahdaafta laga leeyahay cilmiga mustalaxul Xadiith, wuxuu cilmigan ka ilaalinayaa diinta Islaamka in la qalloociyo ama la bedelo, haddii aanu cilmigan ahaan lahaynna waxaa isku qasmi lahaa warka saxan ee sugan iyo kan beenta ah ee loo tiiriyay Nabiga Salla-llaahu Caleyhi wasallam.

Wuxuu sidoo kale cilmiga Mustalaxa Xadiithka inoo horseedayaa inaan ogaanno waxa ka sugan Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, taasoo hoo horseedeysa inaan ku dayanno Suubanaha.

Haddii aanu ka hadalno cilmigan iyo xilliga uu soo billowday, wuxuu ahaa mid soo jiray tan iyo waagii Saxaabada Ridwaanullaahi caleyhim, laakiin ma ahayn cilmi qoran, waqtigii Taabiciinta iyo Atbaacu-Taabiciin ayuu noqday cilmi si kooban loo qoray, waxaana kamid ah kutubta lagu xusay kitaabka Ar-Risaala ee Imaamu Shaafici iyo horudhaca kitaabka Saxiixi Muslim.

Halkan ka dhagayso Warbixin Ahmiyadda Cilmiga Mustalaxul Xadiith-ka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular