Inkastoo dadka qaar ay suurad khiyaali ah ka heystaan Maryakanka iyo dhaqaalihiisa, ayna la tahay in dalkan uu yahay dal horumarkan oo ay dhereg la dilqaan, ayaa hadana waaqica dhabta ah ee kajira Maraykanka wuxuu ka duwanyahay suuradaasa dhalanteedka ah ee ay inta badan maanka dadka ku beereen warbaahinta Maraykanka iyo kuwa I kireysan ajandayaashooda.
Wargeyska World Street Journal, oo kamid ah wargeysyada ka faallooda arimaha dhaqaalaha, kana soo baxa dalka Maraykanka, ayaa warbixin uu qoray wuxuu kaga faallooday deymaha lagu leeyahay Maraykanka iyo heerka ay gaarsiisanyihiin.
Sida ay warbixintu sheegeyso, dowladda Maraykanka ayaa qaadeysa tallaabooyin qar iska tuurnimo ah, oo ay mar weliba ku kordhineyso deymaha heer Federaal ee lagu leeyahay, taasoo xilligan gaartay halkii ugu sarreysay, mustaqbalka dhowna saameyn adag ku yaalan karta kaalinta dowladan kaga jirto dunida.
World Street Journal, wuxuu tilmaamayaa in sanadkan 2024-ka la filayo in deymaha lagu leeyahay Maraykanka ay ka badnaan doonaan dakhliga soo gala miizaaniyadda dowladda Maraykanka, waana arin tilmaamaya waaqica adag ee ay dowladda Maraykanka kujirto, marka laga hadlayo dhanka dhaqaalaha.
Sanadihii lasoo dhaafay, gaar ahaan waqtiyadii Trump iyo Biden oo hadda gebo-gebo ah, waxaa uu mid weliba ku kordhiyay deymaha lagu leeyahay dowladda Maraykanka lacago aad u badan, taasoo dhan 14 Tirllion oo doollarka Maraykanka.
“ Tiradan argagax badan ee deymaha ah inkastoo ay jirto, hadana jawaabta ay labada maamul ee Maraykanka soo maray ka bixiyeen culeeska dhaqaale wuxuu ahaa mid salbi ah oo aan wanaagsaneyn” ayay leedahay warbixinta World Street Journal.
Sida ay warbixintu qeexeyso, xaaladda dhaqaale dari ee ay iminka Maraykanku wajaheyso, ayaa gaarsiisan heer lacagaha ribada ah ee ay ku bixiso deymaha lagu leeyahay ay ka badantahay tan ay ku bixiso miizaaniyadda wasaaradda dagaalka ee Maraykanka.
Taariikhyahanka Niyal Firigson oo ay warbixinta World Street Journal soo xiganeyso, ayaa sheegaya in awood kasta oo dowladeed oo lacagaha ay ku bixineyso faa’iidada deymaha ka badato tan ay ku bixineyso miizaaniaydda difaaca, aaney sii ahaan karin awood weyn oo laga heebeysto.
Wuxuu sheegay in waaqica noocaas ah uu horey usoo maray boqortooyadii Spain, dowladihii Inigiriiska iyo Faransiiska, xilliganna uu Maraykanku wajahayo xaalad midaas lamid ah, dowladahaas ay xaaladan dhaqaale ku habsatay ayaa mar ahaa kuwa ku amar taagleeya dunida, xilli iminka ay tareenka gadaal ka saaranyihiin.
Xafiiska Miisaaniyadda Congreska Maraykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo CBO, ayaa sheegay in maadaama ay mar weliba sii kordheyso faa’iidada laga rabo deymaha Maryakanka lagu leeyahay, ay xukuumadda Federaalka sanadkan bixin doonto faa’iido dhan 892 bilyan oo dollar, taasoo qeyb ka ah lacagta laga rabo deynta Maraykanka lagu leeyahay ee dhan 28 Tirillion oo dollar.
Tani waxay ka dhigantahay in lacagta uu Maraykanku ku bixiyo faa’iidada looga baahanyahay deynta lagu leeyahay ay ka badantahay tan uga baxda miizaaniyadda dagaalka, oo dhan 816 bilyan oo dollar.
Warbixinta World Street Journal, waxay tilmaameysaa in sanadihii u dambeeyay ay xukuumadda Washington qaadaneysay lacago badan oo deyman ah, taasina ay keentay in sanadkan miizaaniyadda dowladda Maraykanka ay u baahato kab dhan 1.9 Tirillion oo doollarka Maraykanka.
Xafiiska CBO ee Congreska Maraykanka, ayaa filaya in culeeska deymaha Maraykanka uu sabab u noqdo hoos u dhaca dakhliga sanadlaha 30-ka sano ee soo socda, kaasoo lagu qiimeeyey 12%.
Inkastoo Maraykanku uu kamid yahay dalalka lacagaha kaashkooda soo saarta, taasina ay keeneyso in dowladdu hesho fursado badan oo ay hanti ku abuuri karto, hadana wargeyska World Street Journal wuxuu tilmaamayaa in taariikhdu ay bixineyso dersi kaas ka duwan, oo aan muujineynin wax xasilooni maaliyadeed ah, marka laga hadlayo arimaha deymaha.
Mid kamid ah dhibaatooyinka ay iminka wajaheyso dowladda Maraykanka, waa iyadoo maalqabeennada ay deymaha ka qaadan jirtey diidanyihiin iney wax deyn ah siiyaan xukuumadda Washington, maadaama kuwa lagu leeyahayba ay bixin la’dahay, faa’iidada ribawiga ah ee la dul saareyna aan looga heynin sidii ay u rabeen kuwa deymahaas siiyay.
Wasiiradda Maaliyadda Maraykanka oo dhawaan hadleysay ayaa sheegtay, in haddii aaney kordhin canshuuraha kusoo dhacaya qasnadda dowladda Maraykanka, dhinac kalena aan la nuqsaamin dhaqaalaha ka baxaya qasnadda, ay taasi ka dhigantahay koror ku imaanaya deymaha lagu leeyahay dalka Maraykanka.
Falanqeeyayaasha arimaha Taariikhda ee Ameerikaanka ah ayaa xilligan muujinaya walaac la xiririira hoos u dhaca dalkooda, kaasoo ay sheegeen in marka ay taariikhihii dowladihii hore soo akhriyeen ay muujineyso in shaki la’aan tahay in Maraykanku billaabay burbur tartii tartiib ku socda.
Taariikhyahanka lagu magacaabo Paul Kenedy, oo qoray buug “ Sarakaca iyo dumitaanka awoodaha waaweyn” ayaa sheegay in dhabaha ay iminka heyso dowladda Maraykanka uu yahay kii ay ku burbureen awoodihii horey usoo maray dunida, iyo dowladihii maalin ku tilmaamnaa dowladaha awoodda weyn.
Waraysi uu bixiyay taariikhyahankan Ameerikaanka ah, wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsanyahay sida ay dowladda Maraykanka ugu suurogeli karto iney iska gudo deymaha lagu leeyahay, iyadoo aaney taasi kasoo wajihin cawaaqib aad u xanuun badan, sida uu sheegay.
Warbaahinta Maraykanka iyo khubarada Ameerikaanka ee arimaha dhaqaalaha, ayaa waayadii ugu dambeysya waxay xooga saarayeen culeeska dhaqaale ee heysta dalka Maraykanka, kaasoo ay sheegeen inuu horseedi karo burburka dowladooda.
Wargeyska National Intrest ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa warbixin uu daabacay dhowr bilood kahor, wuxuu ku sheegay in cadowga ugu weyn ee uu Maraykanku wajahayo aanu ahayn Shiinaha ama Ruushka, balse ay tahay deymaha faraha badan ee Maraykanka lagu leeyahay.
Kudhawaad nus qarni, ayuu Maraykanku hogaaminayaa dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta, iyo xitaa kuwa taagdaran ee ay isku diinta yihiin, waxaana awoodaha ugu weyn ee uu adeegsanayo kamid ah awood dhaqaale, oo ku timid in doollarka Maraykanka lagu dirqiyo dadka dunida ku nool.
Laakiin waxaa hadda muuqaneysa in waqtigii Maraykanku sii dhamaanayo, tan ayaana ah istiraatiijiyad dhiig bixin oo ay horey qalinka ugu duugeen mashaa’ikhdii Jihaadka oo ay kamid yihiin Sheekh Usaama bin Laadin iyo Sheekh Ayman Ad-Dawaahiri.
Sheikh Usaama bin Laadin ayaa arkayay inay lama huraan tahay in la burburiyo dhaqaalaha Maraykanka, taasina ay ku imaan karto in lagu qaado weeraro milliteri, sidoo kalena lagu qasbo Maraykanku inuu furinta soo istaago, oo aanu mar weliba wakiil sameysanin.
Labadan qorshe ee ay dejiyeen hogaanka Al-Qaacida ayaa u dhaqan galay sidii ay u rabeen, weerarkii 11 September oo dhacay kudhawaad rubcu qarni kahor ayaana dhulka la simay daarihii dhaadheeraa ee ganacsiga adduunka, Maraykankana waxaa lagu qasbay inuu dagaalka toos usoo galo, taasoo fuuq bax ku riday qasnadiisa maaliyadeed.
20 sano oo uu Maraykanku ka dagaallamayay dalka Afqaanistaan, Ciraaq iyo SOomaaliya, waxay xilligan madaxda Maraykanku isla garteen inaaney tabar u heynin dagaal dambe oo ay si toos ah u galaan, inta kasoo hartay awoodoodana ay keliya taageeraan dowladaha siyaasadooda u madiideysan ee kajira dunida Islaamka.