Mu’assasada Shaamu Ribaad ee ku hadasha afka Jamaacada Xurraasudiin ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya, ayaa baahisay bayaan taczi ah oo xaqiijinaya in dalka Suuriya dhawaan Maraykanku ku diley hogaamiye sare oo katirsan Jamaacada.
Bayaanka oo ku qornaa luuqadda Carabiga, waxaa lagu billaabay:
“Quluub Mu’minad ah oo raalli ku ah qadaha Allaah iyo qadartiisa, ayaanu kula kulannay warka la xiriira istish-haadka sheekha ah caalimka, zaahidka, mujaahidka iyo saabirka ee Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky- Raximahullaah. Warkan wuxuu ahaa mid nagu culus oo qaraar ah, laakiin waxaa culeeska naga yareeyay waa in sheekhu gaaray wixii uu tobansaanlayaal badan u xusul duubayay, isagoo ah daaci, muslix iyo mujaahid. Faraskiisuna kama degin sheekha illaa inuu raaco mooye kolonyada Shuhadada, Anbiyada iyo Saalixiinta“.
Bayaanka ay baahisay mu’assasasada Shaamu-Ribaad oo sii socda, ayaa waxaa lagu yiri: “ Wuxuu sheekhu tagay, kadib markii isaga, walaalihiisa iyo ciidamada Islaamka ay gaalada dhadhansiiyeen qeyb kamid ah waxay gaarsiiyeen muslimiinta ee isuga jira dil, barakicin iyo jab, waxaana ay kamid ahaayeen sheekha iyo ragiisaba ciidanka Alle ee sahanka u ah fatxiga, wuxuuna ka dhigay madax iyo hogaan dadka ku hogaaminaya difaaca Islaamka iyo ehelkiisa, waqti ay weliba yaraadeen dadka u gargaaraya diinta Islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka Shaamu Ribaad kasoo baxay.
Dhagayso Warbixin Istish-haadka Sheekh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky- Shaamu-Ribaad