HomeAll newsWarbixin: Qiimeynta Dagaalka Ukraine ku Qaaday Gudaha Ruushka. .

Warbixin: Qiimeynta Dagaalka Ukraine ku Qaaday Gudaha Ruushka. [Dhagayso].

Su’aalo badan ayuu dhaliyay weerarkii weynaa ee dhulka ahaa, ee ay ciidamada Ukraine ku qaadeen gobolka Korsek ee dalka Ruushka horaantii todobaadkii lasoo dhaafay, kaasoo dhaliyay khasaare gaaray ciidamada Ruushka iyo shacabkooda halkaas ku noolaa, inkastoo labada dhinac ay aad ugu kala duwanyihiin ka warbixinta khasaaraha rasmiga ah.

Su’aalaha ugu badan ayaa la iska weydiinayaa xeeladda u suurogelisay dowladda Ukraine iney qaado weerarkan, kaalinta uu weerarkan ku leeyahay hubka uu reer galbeedku siiyo xukuumadda Kiev, xogaha sirdoon ee Ukraine heshey si ay u fuliso weerarkan, iyo waxa dhaliyay in ciidamada Ruushka ee difaacyada kaga jira gobolkaas ay ku guuleysan kari waayaan fashilinta weerarka culus ee lagu soo qaaday.

Waxay su’aalahan oo idil imaanayaan, iyadoo weli dagaallada ay ka socdaan gooblka Korsek, xilli xaalad deg-deg ah looga dhawaaqay gobolka, taliyaha guud ee ciidamada Ruushkana uu madaxweynaha dalkas Faladamir Butin gaarsiiyay macluumo tilmaameysa iney ku guuleysteen dilka ugu yaraan 100 askari oo kamid ah 1000 askari oo ay Ukraine kusoo weerartay gobolka Korsek.

Butin oo uu lama filaan ku ahaa weerarkan, wuxuu hadalkii ugu horeeyey ee uu ku tacliiqinayay dagaalka lagu soo qaaday ku sheegay in weerarkan uu yahay daandaansi aad u baaxad weyn, ciidamada Ukraine ee weerarka qaaday ayaana adeegsanaya dhamaan noocyada kala duwan ee hubka sida sawaariikhda, waxaana si isku mid ah u beegsanayaan dadweynaha iyo xarumaha dowladda intaba.

Qaramada Midoobay waxay si lama filaan ah uga hadashey weerarkan, iyadoona dhaliishey tallaabada ay qaaday xukuumadda Ukraine, Farxaan oo ah kuxigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, ayaa tilmaamay in tallaabooyinka noocaan ah ay sii kordhinayaan halista ah in dagaalku baaho, isagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalka, xaaladana loo dejiyo.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine Ferbaayo 2022-ka, wuxuu weerarka lagu qaaday Korsek ka dhiganyahay kii ugu xooganaa, uguna dhiig daadashada badnaa ee ka dhaca gudaha dalka Ruushka, gobolka uu weerarka ka dhacay ayaana 530 kilomter u jira magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka.

Roland Bijamov, oo ah khabiir istiraatiijiyadeed, ayaa aaminsan in wax la filo ay ahayd in weerar noocaan ah soo qaadaan ciidamada Ukraine, si gaar ah iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ciidmada Ruushka isku sii fidiyaan deegaannada ay ka joogaan dalka Ukraine, laakiin wuxuu tilmaamay in qaabka socodka weerarka uu yahay mid gaabis ku socda.

Bijamov wuxuu rumeysanyahay in xukuumadda Kiev ay ku qasbanaatay qaadida weerar baaxadan leh, ayna taakulada iyo kormeeridda guud ee duulllaankan lahaayeen dowlado qeyb ka ah ururka NATO, laakiin uusan magac dhabin.

Wuxuu intaa ku darayaa khabiirkan ka faalooda arimaha istiraatiijiyadda, in markii ugu horeysay ay tahay tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, oo ay ciidamo reer galbeed ah gudaha u galaan dalka Ruushka, si dadban ha ahaatee, taasoo uu kala jeedo in ciidamada weerarka qaaday aaney ahayn reer galbeed, balse fikradda duulaanka iyo qorshihiisu leeyihiin dowladaha reer galbeedka, taasina ay albaabada u furyeso suurtogalnimada iney dhici karaan weeraro aargudasho ah oo qaado dowladda Ruushka.

Roland Bijamov, wuxuu intaa ku darayaa in hadda xaalad cakiranaan ka jirto dhufeysada dagaalka ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Ruushak iyo kuwa Ukraine, saraakiisha hogaamineysa ciidamada Ruushkana la kulmayaan dhaleeceyn xoogan oo uga imaaneysa hogaankooda sare, taasoo suurogal ka dhigi karta in saraakiisha qaar xabsiga la dhigo, ama xilalka laga qaado.

Marka laga hadlayo waxyaabaha suurogeliyay weerarka Ukraine ee ka dhacay gudaha Ruushka, waxaa kamid ah in ciidamada ilaalada xuduudaha ee Ruushku aaney heysanin hubka culus ee madaafiicda, haddii aaney dhici lahayn diyaaradaha dagaalka ee ciidanka hawada oo weerarka soo farageliyeyna ay natiijada ka dhalatey weerarka Ukraine ahaan lahaa mid intan kasii halis badan, sidaas waxaa ku doodaya xubno katirsan dowladda Ruushka oo horey usoo jeediyay in ciidamada ilaalada xuduuda la siiyo hub ka casiran kan ay hadda adeegsadaan.

Saraakiisha ciidamada Ruushka ayaa sida muuqata waxaaney horey ugu fakarin suurtogalnimada weerar baaxaddan la eg oo ay soo qaadaan ciidamada Ukraine, weerarka ayaana waxaa barbar socday in tashwiish lagu furay dhamaan qalabyada isgaarsiineed ee ay isticmaalayeen ciidamada Ruushka, taasoo ah astaan kale oo muujineysa in dowlado awood leh oo reer galbeed ah ay qeyb ka ahaayeen abaabulka weerarka.

Marka laga hadlayo hadafka rasmiga ah ee weerarka ciidamada Ukraine, waxay khubarada Ruushka ah tilmaamayaan iney suurogal tahay iney doonayeen la wareegitaanka xarun ku shaqeysa tamarta nuclearka oo ku taalla magaalada Korta-shaatuuf ee gobolka Korsek, si ay ugu suuragasho iney ku gorgortamaan, oo ugu yaraan ciidamada Ruushka uga baxaan warshadda Zabaruujiya oo ay horey ula wareegaan, waana arin halis gelinaya qaab dhismeedka ee maamul iyo deegaan ee dalka Ruushka.

Falanqeeye milliteri oo lagu magacaabo Faktoor, ayaa dhankiisa tilmaamaya in wax badan oo micno ah aanu lahayn duullaanka Ukraine ay ku qaaday gudaha Ruushka, aadna uu isku weydiinayo waxa ku riixay xukuumadda Kiev in ciidamo intan la eg iyo saanado milliteri oo ballaaran ay ku khasaariso duullaankan, sida uu warka u dhigay.

Wuxuu sheegay in waxa ugu badan ee ku riixay xukuumadda Kiev iney qaado tallaabadan, ay tahay mid ay ku dooneyso iney isaga khafiifiso cadaadiska milliteri ee heysta waayadii u dambeysa, si gaar ah ciidamada Ruushka oo isku ballaariyay dhul horleh oo dhaca gudaha Ukraine.

Marka laga hadlayo ahdaafta duullaanka Ukraine ee Ruushka, waxaa kaloo suurogal ah in xukuumadda Kiev ay dooneyso iney cadaadis ku saarto qulqulka shidaalka Ruushka ee gaaraya Yurub qeybaheeda kale.

Kiev ayaa dooneysa in si isku mid ah ay cadaadis u saarto Ruushka iyo dowladaha reer Yurub, oo qaarkood weli xiriir dadban la leh xukuumadda Moskow, si ugu dambeyn ay u timaado aragti gorgortan oo labada dhinacba uu mid kasta ku xaqiijin karo wax kamid ah hadafkiisa.

Halkan ka dhagayso Warbixinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular