Culees lamid ah kii reer Afqaanistaan iyo Mujaahidiintooda kasoo gaaray xoreynta Afqaanistaan, ayaa ku hor gudbnaa dhisidda xukuumad Islaami ah oo awood u leh maareynta baahiyaha bulshada qeybaheeda kala duwan.
Sidaasi darteed furashadii Kaabul kadib, waxaa amiirka Imaarada Islaamiga ah Mowlawi Hibatullaah Akhunzaadah soo saaray wareegto uu ku magacaabay xukuumad xil gaarsiin ah, oo kala socodsiisa howsha dalka.
Maadaama qori caaraddii dalka looga saaray ciidamadii Shisheeyaha ee uu Maraykanku horboodayay, meydaankii dagaalkana lagu jebiyay, waxay u weecdeen dagaal kale oo aan ka dhib yareyn midkii hore, laakiin hogaanka Imaarada ayaa dareemayay, horeyna ugu diyaar garoobay sidii la isaga caabin lahaa furimaha cusub ee soo furmay.
Maraykanka iyo dowladaha reer galbeedka ayaa go’doomiyay dalka Afqaanistaan, iyagoo xanibay lacagihii reer Afqaanistaan lahaayeen ee ku keydsanaa bankiyadooda, tani ayaana noqotay taxaddi iyo culees horleh, ujeedka laga lahaana wuxuu ahaa in dowladda cusub looga helo tanaazulaad looga keeni waayay xabadda iyo qoriga.
Hibatullaah ayaa ku amray raciyadiisa ay masuuliyiintu kamid yihiin iney guna dhiisha isaga dhigaan, wixii xabad looga qaadan waayayna aan xeelad looga qaadan, sidaas darteed taxadiga ugu weyn wuxuu ahaa in reer Afqaanistaan, muslimiinta caalamka iyo guud ahaan dadyowga ku nool dunida, la tuso in Islaamku leeyahay hanaan maamul, oo barwaaqo iyo isku filnaan gaarsiin kara bashariyada oo idil.
Hadaba, warbixinta waxaan kusoo bandhigi doonnaa saddex sano kadib furashadii Kaabul iyo xoreyntii Afqaanistaan oo idil, waa maxay guulaha ay xaqiijisay dowladda Islaamiga ah ee Afqaanistaan, marka laga hadlayo jaanibka amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhisidda ciidamo awood leh.
Halkan ka dhagayso Warbixin- Injaazka Imaarada Islaamiga Saddex sano kadib