05-tii Rajab 1441-da hirjiyada, oo waafaqsan 29-ka Febraayo 2020-ka, waxaa magaalada Ad-Dowxa ee caasimadda Qadhar ka dhacay munaasabad ballaaran oo lagu saxiixayay heshiis taariikhi ah oo dhexmaray Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan iyo dowladda Maraykanka, kaasoo gogaal xaar iyo ifafaalo u ahaa Afqaanistaan oo xor ah, iyo gumeystihii Shisheeyaha oo isaga baxay, dalkana uu dib uga hanaqaado maamulkii Islaamiga ahaa.
Qodobadka ugu muhiimsan ee heshiiskan uu dhigayay ayaa ahaa in ciidamada Maraykanka iyo guud ahaan isbaheysgia NATO ay isaga baxaan dalka Afqaansitaan, taas bedelkeedana aaney la kulmin wax weeraro ah inta uu socdo diyaar garowga bixitaankooda, marka laga hadlayo duullaankaas oo jirsaday 20 sano oo xiriir ahna, waxaa aad u adkeyd in dadku ay rumeystaan in heshiiskan uu noqon doono mid dhaqan gal ah.
Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa marka laga yimaado istiraatiijiyadda wahadallada iyo diblumaasiyadda, waxay meydaanka iyo fagaaraha rasmiga ah ka waday howlgallo milliteri oo dhiig bixin ah, kuwaasoo ka dhan ah ciidamada xukuumaddii Kaabul ee uu Maraykanku ka dhisay dalkaas dabayaqaadii sanadkii 2001-da, xilligaas oo ahaa waqtigii uu Maraykanku duullaan Saliibi ah ku qaaday Afqaanistaan, sidaba madaxda Maraykanku ku tilmaameen.
Si lama filaan ah ayay ciidamada Imaarada Islaamiga ah u ballaariyeen howlgalladooda jihaadiga ah iyo goobaha ay ka dhacayaan, waxaana weeraro lama filaan ah oo xoogan lagu beegsaday goobo aad uga fog deegaannada iyo gobollada ay ku xoogantahay Imaarada Islaamiga ah.
Halkan ka dhagayso Warbixin- Billowga Xornimada Afqaanistaan