Qosolku waa dabci kamid ah dhaqanka Aadanaha, mana ka hor imaanayo Alle ka cabsiga qofka, Allaahna wuxuu Aadanaha ku abuuray iney marna qoslaan marna ooyaan, waaan sidaas xaalka aduunyada oo dhami.
Qoslku, waa wejiga qofka oo fur-furma, heer farxad awgeed ay soo muuqanayaan ilkaha qofka, haddii qoslku yeesho cod la maqlo waxay carabtu u taqaanaa Qah-qaha, haddiisa uu cod la’aan noqdana wuxuu noqdaa dhoola-cadeyn.
Warbixintan kooban, waxaan Allaah idinkii kusoo gudbin doonnaa hab dhaqankii Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam marka la joogo qosolka iyo dhoollacadeynta, si aanu dhaqankiisa iyo hadyigiisa ugu dayanno.
Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ma ahayn qof xir-xiran, oo wejigiisa laga dido, balse wuxuu ahaa qof ay ka qosolsiiso waxay dadku ku qoslaan, sidaasi darteed way farxad gelin jirtay Suubanaha kaftanka aan dembi xambaarsaneyn.
Ma dhacdo sida riwaayaatku warinayaan sheeko iyo war uu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam sheegay, illaa wuxuu raacin jiray dhoolacadeyn aan iska doon doon ahayn.
Badi qosolka Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu ahaa dhoolacaddeyn, waysa dhici jirtay in mararka qaar uu qoslo illaa dadka la joogo ay arkaan gows dambeedkiisa, Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.
Saxaabiga Cabdullaahi binul Xaarith Radiyallahu canhu wuxuu leeyahay: “ma arkin qof ka dhoollacadeyn badan Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam”.
Jaabir bin Samurah Radiyallaahu canhu waxaa la waydiiyay, mala fadhiisan jirtay Rasuulka? Wuxuu yiri: Haa, wuxuu ahaa Rasuulka qof aamus badan, qosolkiisu yaryahay.
Dhaqanka dhoollcadeynta ayaa ahaa sifo laazimta Suubanaha Salla-llaahu caleyhi wasallam, Jarii bin Cabdillaahi Al-Bajali Radiyallaahu canhu wuxuu leeyahay “ Ima uusan arkin Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam tan iyo markii aan islaamay, illaa wuu ii dhoolacadeyn jiray”.
Dareenka farxadeed ee Suubanaha Salla-llaahu caleyhi wasallam, ayaa ahaa mida laga garto wejiga Rasuulka, hooyadeena Caa’isha Radiyallaahu canhaa ayaa tilmaameysa iney wejiga Rasuulka ka garan jirtay farxadda.
Kacab bin Malik Radiyallaahu canhu, wuxu leeyahay: Wuxuu ahaa Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam haddii la farxad geliyo, mid wejigiisa dhalaala.
Haddii aanu ka hadalno Ooyinta Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, ma ahayn mid la maqlo, inta badanna waxay ahaan jirtay ooyintiisa ilinta oo ka qubata labadiisa indhood ee sharafta badan.
Cabdullaahi bin Mascuud Radiyallaahu canhu, ayaa maalin maalmaha kamid ah wuxuu Rasuulka ku dul akhriyay aayado kamid ah Quraanka kariimka, markii uu soo gaaray aayadda ah:
فَكَيْفَ إِذَا جِئْنَا مِن كُلِّ أُمَّةٍ بِشَهِيدٍ وَجِئْنَا بِكَ عَلَىٰ هَٰؤُلَاءِ شَهِيدًا
Wuxuu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam yiri: halkan ku jooji.
Cabdullaahi bin Mascuud Radiyallaahu canhu wuxuu yiri: waxaan eegay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, waxaana arkay isagoo ilmeynaya.
Dhagayso Warbixin Qosolka Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam