HomeAll newsWarbixin: Waa Maxay Duruusta Laga Baran karo Tajrubada Halganka Reer Afqaanistaan?

Warbixin: Waa Maxay Duruusta Laga Baran karo Tajrubada Halganka Reer Afqaanistaan?

Waxay ahayd maalin Talaado ah, 11 September 2001-da, dalka Maraykanka ayaa waxaa gilgilay weeraro culus oo ay fuliyeen koox dhalinyaro muslimiin ah oo dareemay in dulliga ay umadooda ku nooshahay aanan lagu meyri karin waxaan dhiig ka ahayn.

Diyaarado lasoo afduubay ayaa ku dhacay xarumihii ugu waaweynaa ee ka dhignaa astaanta dalka Maraykanka, sida xarunta ganacsiga adduunka, xarunta wasaaradda dagaalka ee Pentagon, iyo goobo kale oo muhiim ah.

Burburkii dhismayaashii dhaadheeraa ee Manhatan, ayaa ka dhignaa dharbaaxshadii ugu kululeyd oo lagu dhufto dhabanka Maraykanka ee isla weynidu ka muuqan jirtay, marka laga yimaado khasaaraha culus ee uu weerarka dhaliyayna wuxuu Maraykanku waayay tawaazunkii iyo isku dheellitirnaantii, aargoosiga indho la’aanta ah ayaana noqdaday wadada keliya ee ay isku raaceen dhamaan siyaasiyiinta Ameerikaanka.

Madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Bushka inanka ah, ayaa caalamka ka hor cadeeyay inaanu wixii xilligan ka dambeeyo furneyn dhex-dhexaadnimo, iyo meel dhexaad, labo saf oo keliyana ay tahay in mid lagu biiro, waa safka Maryakanka ama safka Mujaahidinta, dagaalka uu qaadayo ayuuna tilmaamay mid saliibi ah.

07-dii October 2001-da, ayay diyaaradaha Maraykanku duqeymo cadowtooyo ka billaabeen dalka Afqaanistaan, maalmo kadib ciidamada Maraykanka ayaa isku fidiyay gobollada dalka, maamulkii Islaamiga ee Taliban ayaana loo xoog sheegtay, muslimiinta Afqaanistaanna waxaa usoo galay maalmo adag oo zaadka iyo saheydu ahady Sabar iyo Jihaad.

20 sano oo halgan ah kadib, oo guri weliba oo Afqaanistaan ku yaala huray xubno qaali ah oo kamid ah qoysaskooda, si dalka looga xoreeyo Shisheeyaha kusoo duuley, waxay 31-dii Ogsosto 2021-ka aduunku marqaati ka noqday in qasab iyo lama huraan tahay in Shisheeye weliba oo ku duula dal muslim ah uu maalin ka guuro dalkaas, isagoo dulleysan oo liita.

Halkan ka dhagayso Warbixin- Duruusta Tarjubada Jihaadka Afqaanistaan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular