HomeAll newsWasiirkii Hore ee Maaliyadda Eritrea Oo Ku Dhintay Xabsi Ku yaala Dalkaas.

Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Eritrea Oo Ku Dhintay Xabsi Ku yaala Dalkaas.

Wararka ka imaanaya dalka Eritrea ayaa ku waramaya inuu geeriyooday wasiirkii hore ee Maaliyadda, kaasoo ku xirnaa xabsi ku yaala wadankaas.

Berhane Abrehe oo mar soo noqday wasiirka Maaliyadda dalka Eritrea ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay gudaha xabsi uu sanadihii lasoo dhaafay ku xirnaa, isagoo lagu heystay inuu mucaarad ku ahaa madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.

Berhane, ayaa horey u qoray buug uu kaga hadlayo nidaamka maamul ee Afwerki, oo uu dhaliilo xoogan usoo jeediyay, taas ayaana keentay in xabsiga loo taxaabo, isagoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Eritrea ayaa waxaa ka jira nidaam milliteri oo keligii talis ah, waxaana laga ogoleyn in sinnaba looga horyimaado xukuumadda Afwerki, siyaasiyiinta xiran ayaana helin maxkamadeyn cadaalad ah.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo noq noqonayay sheekada ah maxbuus xabsi ku yaala Eriterea ku dhintay, mucaaradka dibad jooga ah ayaana sheegaya in si kutalogal ah loo dilo maxaabiista.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular