Sida lagu sheegay war kasoo baxay maamulka Xuuthiyiinta ee gacanta ku haya magaalada caasimadda ah ee Sancaa, waxaa daadadka ka dhashey roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka Yemen geysteen khasaare baaxad leh, oo gaaray dadka iyo hantida.
Inta haatan la xaqiijiyay, waxaa daadadka ku dhuftay qeybaha ay ka taliyaan Xuuthiyiinta ku dhintay, ugu yaraan 98 ruux, halka ay ku waxyeelloobeen boqollaal kale.
Waxaa intaa sii dheer iney guryahooda ka barakaceen oo ay xaalad adag ku noolyihiin kumanaan qoys oo reer Yemen ah, sida lagu sheegay warka kasoo baxay kooxda Xuuthiyiinta.
Daadadka ayaa saameeyey guryihii ay dadku degnaayeen, beerihii wax soo saarka, wadooyinkii gaadiidka iyo dadweynaha iyo qeybo badan oo kamid ah tiirarka nolosha.
Inkabadan 3330 guri ayaa la xaqiijiyay iney ku burbureen daadadka, waxaana sii dheer dhimashada boqollaal xoolaha noocyadooda kala duwan ah, sida Ariga iyo Lo’da.